Wasrrika Arrimaha Gudaha oo la Kulmay Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta ee Solja

0
193

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan soo dhowayn ah la qaatay hoggaanka Cusub ee Ururka Suxufiinta Somaliland ee SOLJA.

 

Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Masuulinta Ururka Suxufiinta Somaliland isku xogwaraysteen, Wasiirka ayaa soo dhoweeyey Hogaanka Cusub, iyadoo laga wada hadlay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Ururka Suxufiinta ee SOLJA, guud ahaan Warbaahinta madax banaan iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulamo danbe ayay isla qaateen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo hogaanka Ururka Suxufiinta ee SOLJA.

Waxaa kulankan Wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Ururka Suxufiinta waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha Ururka Suxufiinta ee SOLJA Shaafi Maxamed Ibraahim iyo masuulinta kale ee hogaanka Ururka.

 

Hogaanka cusub ee dhawaan loo doortay hogaaminta Ururka ay ku bahoobeen Suxufiyiinta reer Somaliland ee Solja ayaa wali ku jira kulamadii is barasho ee Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin, kuwaasi oo ay ka wada hadlayaan sidii meel looga soo wada jedsan lahaa hawlaha shaqo ee Qaranka iyo sidii Suxufiyiintu uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka.

 

Gebo’agabdii kulanka ayaa noqonaya kulankii u horeeyay ee ay wada qaataan wasirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo hogaanka cusub ee Ururka Solja.