Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Daahfurtay Wershad Xal u ah Halista Hadhaadiga Qashinka Caafimaadka

0
88

Hargeysa (Dawan) – Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay inay soo kordhiyeen wershadii u horreysay ee nooceeda ah oo loogu talogalay inay  burburiso. Qashinka hadhaaga adeega caafimaad ee cisbitaaladu xashiish ahaan looga qaado, taas oo halis badan oo caafimaad ka iman karaysay haddii Qashinka caafimaad ee hadhaaga ah si qaldan meelaha loogu qubay looga gurto ama carruuri ku ciyaarto.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray shaqaalaha cisbitaalada kuna boorriyay inay qashinka sigaara u ururiyaan si wakhti go’an looga qaado.

Duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa faahfaahiyay hawsha shaqo ee ay wershadani qaban doonto.

Waxaanu yidhi.“Waxaanu maanta si rasmiya u daahfurnay wershaddii ugu horeysay ee burburinaysa qashinka cisbitaalada caasimada ka soo hadha si Hargeysa nadaafadeeda kor loogu qaado.

Adduunyada oo dhan ayuu ka shaqeeyaa mashruucani, waana tijaabo, waxa aanu u sameynay si loo badbaadiyo bulshada, in qashinkii aanu meel wada gayno, intiina xaggan joogta waxa laga yaaba in aydaan arag goobaha qashinka lagu soo qubo, balse dad ayaa ku nool halkaas.

Sidoo kale shaqaalaha goobaha adeega caafimaadka ka shaqeeya halis badan ayay ku sugnaayeen, maadama ay kala gurayaan qashinka caafimaad ee ka hadhay goobaha caafimaadka”

Tallaabadani waxa ay qayb ka tahay isbeddel iyo horumar ay golaha deegaanka caasimaddu sameeyeen labadii sannadood ee la soo dhaafay.