Beerta Xayawaanka Texas: Hooyo Daanyeer ah oo lagu soo qalay Ilmaha xannuun Dartii

0
85

Ilme dhamays ah oo daayeerka nooca loo yaqaan Gorrila ah ayaa ku dhashay qalliin degdeg ah xero lagu xanaaneeyo xayawaanka oo ku taal gobolka Taxes ee Maraykanka ka dib markii hooyadii ay la soo gudboonaatay xaalad caafimaad oo loo yaqaan preeclampsia.

Dhalasho “Shucuur keh oo taariikhi ah”, waxay ahayd fariinta ay ku soo qoreen barta xarunta xawayaanka ee Fort Worth. Ilmahan oo loo bixiyey magaca Jameela waxay dhalatay afar ilaa lix toddobaad ka hor iyada oo ay caawinayeen dhakhaatiir takhasus leh.

Waa gorilladii ugu horreysay ee ku dhalata qalliinka dhalmada ee loo yaqaan Caesarean intii ay jirtay beerta xayawaanka muddo 115-sano.

Jameela – oo macnaheedu yahay “qurux” afka Sawaaxiliga – waxa dhashay Sekani, oo 33 jir ah, kana soo jeeda gorillaha dhulka hooseeya ee galbeedka dalkii, 5tii Febraayo, beerta xayawaanku ku dhawaaqday arrintan.

Waxay ahayd uurkii afaraad ee Sekani, laakiin markan, dhakhaatiirta xanaanada xoolaha waxay dareemeen inay muujinayso calaamadaha preeclampsia oo macnaheedu yahay xaalad dhiig-kar ah oo halis ah oo ku dhici karta xilliga uurka ee bini’aadamka iyo xawayaankaba.

Kadib xaqiijinta cudurka Sekani, xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in dhakhaatiirteedu ay la tashadeen dhakhtar umulaha ah oo deegaanka ah ayna go’aamiyeen in qaliinka dhalmada loo baahan yahay si loo badbaadiyo hooyada iyo ilmaha labadaba.

Gorilla-hoosaadka galbeedka sida Sekani waxay ka soo jeedaan badhtamaha Afrika, waxayna ku jiraan yikuwa halista ugu jiraan in ay dabar go’aan ugaadhsiga iyo cudurrada awgeed, Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda ayaa sidaa qaba.

Tiradoodu waxay hoos u dhacday in ka badan 60% 20-kii ilaa –kii sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Sanduuqa Duurjoogta Adduunka.

Gorillaha sidoo kale waxay leeyihiin heer dhalmo hooseeya, taas oo adkeynaysa inay ka soo kabtaan hoos u dhaca dadweynaha.

Jamie Erwin, dhakhtarka dhalmada, ayaa sheegtay in umulida Jameela ay ahayd mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee shaqadeeda oo dhan.

“Waxaan la yaabay sida Sekani jidhkeedu uu ula mid yahay bukaannada bani’aadamka,” Dr Erwin ayaa sidaa ku yidhi hadal uu soo saaray.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Jameela ay u baahday taageero neefsasho oo halis ah dhintii lagu jiray dhalmada, laakiin markii ay u gudubtay nolosha ilmo-galeenka ee ay debeda timi si fiican ayay u xasilisay.”

Waxay kale oo mas’uuliinta Xeradu sheegeen in Sekani tan iyo markii ay si buuxda u soo kabsatay aanay kululayn ilmaheeda cusub.

“Inkasta oo la isku dayay in dib loo mideeyo hooyada iyo ilmeheeda, laakiin Sekani waxa ay muujisay in ay xiiso yar u hayso daryeelka ilmaheeda,” sida ay tidhi beerta xayawaanka.

Waxay intaa ku dareen inay adag tahay in si sax ah loo ogaado sababta hooyada iyo ilmaha aanay isku xidhanayn, waxaase dhakhaatiirtu sheegeen in loo malaynayo in aanay qaadan xaaladihii dhalmada oo hoormoonadii carinta ee Jacaylka hooyadu aanay dhamaystirmin.