Maxay Qaramada Midoobay uga Walaacsan Tahay in la Aqoonsado Taalibaan?

0
86

Daraasad ay samaysay Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in ku dhawaad ​​saddex-meelood laba (67%) haweenka Afgaanistaan ​​ay ka cabsi qabaan in dhibaatada xuquuqdoodu ay sii korodho haddii dawladda Taliban ee dalkaas la siiyo aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.

Warbixinta waxa lagu beegay ka hor shirka ay Qaramada Midoobay ay Axadda ku qabanayso Qatar, halkaas oo waddamada xubnaha ka ah iyo ergada gaarka ah ee Afgaanistaan ​​ay ka wadahadli doonaan hab wada-shaqeynta caalami ah oo lala yeesho Taliban.

Madaxda Afgaanistaan ​​ayaa lagu casuumay xaflada, balse waxa ay ka qeyb galkooda ku timi ergay ka socda Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo martigelin doona munasabada shirka oo muddo laba maalmood ah oo ka dhici doonta caasimada dalka Khaliijka ee Doha.

“Haweenku waxay muujiyeen cabsi iyo walaac markii la waydiiyey inay tixgeliyaan suurtagalnimada aqoonsiga caalamiga ah ee xukuumada Taliban sida lagu sheegay warbixinta ay si wadajir ah u diyaariyeen Qaramada Midoobay, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan.

“Xaaladaha hadda jira, waxay ka sii dari kartaa dhibaatooyinka xuquuqda haweenkuna way sii kordhi kartaa hadii la aqoonsado,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Natiijooyinka waxay ku saleysan yihiin wareysiyo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ku qaadeen khadka tooska ah oo la weydiiyey 745 haween ah oo ku kala nool 34-ka gobol ee Afgaanistaan ​​intii u dhaxeysay Janaayo 27 iyo Febraayo 8.

Taalibaan ayaa dhaqan galisay tafsiirkooda adag ee shareecada islaamka tan iyo markii ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Afgaanistaan ​​Agoosto 2021, iyaga oo haweenka Afgaanistaan ​​ka mamnuucay shaqada iyo gabdhaha in ay helaan waxbarasho dhaafsiisan fasalka lixaad. Xayiraadaha ayaa ugu horrayn ka horjoogsaday dawlado shisheeye inay si rasmi ah u aqoonsadaan xukuumadda Kabul.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in haweenku ay ka codsadeen beesha caalamka in aanay aqoonsan Taliban ilaa ay ka noqdaan xayiraadaha, iyada oo ka digtay in hoggaamiyeyaasha mayalka adag aan lagu aamini karin inay hagaajiyaan xaaladda hadda jirta.”

Dadka la wareystay ayaa sheegay in aan la aqoonsan ilaa iyo inta ay wanaajinayaan xaaladda xuquuqda Afgaanistaan ​​ay tahay in la isku xidho gargaarka caalamiga ah ” iyo in xaaladaha haweenka wax laga bedelo oo loo fududeeyo fursadaha haweenka ay si toos ah ula hadlaan Taliban.”

Weerarkii ugu dambeeyay ee Taliban ay ku soo rogtay haweenka oo lagu eedeeyay in ay u hoggaansami waayeen xeerka labiska Islaamka, ama xijaabka, ayaa dumarka ku reebay ammaan darro.

“Iyada oo inta badan ay had iyo jeer isha ku hayaan xijaabka, qaabka fulinta ee ku lug leh isticmaalka ama hanjabaada xoogga ayaa gacan ka geystay caadi ahaan hubin la’aanta nolol maalmeedkooda iyo fursadaha mustaqbalka .

Amnesty International ayaa Jimcihii dalbatay in kulanka Doha uu soo afjaro isla xisaabtan la’aanta xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Taalibaan.

Daalibaan ayaa diiday dhaleecaynta maamulkooda oo ah dacaayad reer galbeedka si ay u waxyeeleeyaan nidaamkooda Islaamiga ah ee Afgaanistaan. Waxay ku adkaysanayaan siyaasadooda inay si adag u waafaqsan tahay dhaqanka deegaanka iyo shareecada Islaamka, iyaga oo meesha ka saaraya wax tanaasul ah oo iyaga lagu sameeyo.

Amnesty International iyo sagaal urur oo kale ayaa warqad u qoray Guterres usbuucii hore, iyaga oo ku boorriyay inuu hubiyo in bulshada rayidka ah ee Afgaanistaan, oo ay ku jiraan haweenka difaacayaasha xuquuqda aadanaha, ay si buuxda uga qaybqaataan kulanka Doha iyo in xuquuqda haweenku ay udub dhexaad u tahay dhammaan doodaha.

Taliban ayaa diidan inay wax ka bedesho nidaamkeeda Islaamiga ah wax kasta oo dhaca, waxaana hadda jira wadamo doonayo in ay aqoonsadaan. Maraykanka laftiisa ayaa doonaya inuu helo qaab uu ula macaamilo.