Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar usoo Xidhay Shaqaalaha Cashuuraha Berriga

0
90

Hargeysa(Dawan)Wasaarada Maaliyadda ayaa tababar lagaga hadlayay macaamilka Cashuur bixiyayaasha  usoo   xidhay  shaqaalaha cashuuraha bariga.

Agaasimaha  guud  ee Wasaarada  Maaliyadda  Maxamed Xuseen Mu,adinka  oo xidhitaanka tababarkan hadal ka jeediyay ayaa waxa kula dardaarmay ka  soo qaybgalayaashii    in si  wanaagsan  ula macaamilaan cashuurbixiyayaasha,Waxaana  uu  yidhi”Waxa aad ku  baranayseen Xuquuwda iyo waajibaadka cashuurbixiyaha iyo waajibaadka cashuurqaadaha   Wasaarada Maaliyadda,cashuurta waa waajib  dastuuriya gudasho  la,aaanteeda  waxa   ka dhalanaysa  ciqaab.waxaana halkan  ku  barateen sidii aad ula  macaamilayseen  qofkii   cashuur   bixiyaha,sida ugu  wanaagsan waa in  aad ula  macaamishaan  inaga oo sharcigana ka tagan oo cashuurta   aad  ka qaadaan.markaa waxa ay u baahantahay  samir iyo dulqaad,waxa aynu u soconaa  qofku   raaliya in  uu  cashuurta  bixiyo  oo   dhibka   faraha badan ee ka  dhalata   raadinta   cashuurta in laga  gudbo waxa aynu soconaa in qofku bixiyo  cashuurta isaga  oo  raaliya,”.