Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo Kulamo la Qaatay Bulshada Gobolka Gabiley

0
109

Gabiley (Dawan) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale oo safar shaqo ku jooga magaaladda Gabiley ayaa kumalo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah haldoorka iyo waxgaradka Gabiley.

Bulshada ku nool magaaladda Gabiley oo ku faraxsan aragtida gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay goobaha ay bulshadu ku shaahaan.

Cabdicasiis Maxamed Samaale Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa waxgaradka iyo labeenta bulshada gobolka Gabiley ay ka wada sheekasteen xaaladaha dalka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa ilaalinta iyo dicaafa qaranimada Somaliland.

Qaar ka mid ah shacabka gobolka Gabiley ayaa wax ka waydiiyay gudoomiyaha siyaasada guud ee dalka iyo tan Xisbiga Kulmiye, halkaasi oo uu gudoomiyuhu sharaxaad xaalada siyaadaseed ee dalka iyo sida ka xisbi ahaan u damacsan yihiin inay sii amba qaadaan hawlaha shaqo ee wakhti xaadirkan hor yaala Xisbiga, kaasi oo u diyaar garoobaya arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Gudoomiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa bulshada Gabiley goobo kala duwan kula qaatay kulamo la isku xog-waraysanayo, halkaasi oo ay si diiran u qaabileen bulshada ku nool magaaladda Gabiley.

Gebo’gabadii Kulamada dhex maray gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ku soo dhamaaday jawi is af-garad kaasi oo six eel dheer la isaga waraystay arrimaha Xisbiga iyo siyaasada guud ee dalka.