Kaalmo Lacageed ayaa loo Qaybiyay Ganacsatadii ku Hanti Beeshay Dabkii Suuqi Ganacsi ee Wajaale

0
94

Hargeysa (Dawan) Guddida qaadhaan ururinta Suuqii gubtay ee Wajaale ayaa Kaalmo lacageed guddoonsiiyay dadkii hantidooda ku waayay.

Munaasibadii loo qaybtay qaybtinta lacagta la siinayay dadkii ku hanti beelay dabkii baabi’iyay suuqii gubtay ee magaalada Tog-wajaale, waxa ka qayb galay, dadkii ku hantibeelay, wasiiro, xildhibaano, Maayirada magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley, mudan iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha degmada Togwajaale, ayaa uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka gaysatay sidii dib u xoolayn loogu sameynlahaa dadkii ku hanti beelay gubashadii suuqii Tog-wajaale.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa sheegay in Wadarta guud ee lacagta la qaybiyay, ay dhan tahay Malyuun iyo laba boqol iyo lixdan iyo lixkun iyo sagaal boqol oo dollar, waxaanu intaas ku daray in ay maqan tahay qadar lacageed oo dhan oo shan boqol oo kun oo dollar, oo madaxweynaha Somaliland ugu deeqay dadkii ku hantibeelay suuqa Tog-wajaale, waxaanu xusay in ay ku jirto miisaaniyada hortaala golaha wakiillada Somaliland.

Geestooda masuuliyiintii ka hadlay madashii dadka lagu guddoonsiinayay lacagaha kaalmada ah ayaa iskawada dabamaray sida ay muhiimka u tahay in la iskaalmeeyo.