Kiiskan Waxaa Galay Maamulka Madaarka Muqdisho ilaa Madaxwaynaha Soomaaliya Waxaana Fuliye ka ahaa Mahad Salaad”

0
130

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii loo dilay Marxuum Cabdinasir Muuse Dahable oo si naxariista ka baxsan loogu dilay magaaladda Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Marxuumka uu dilkiisu yimi kadib markii ay Somaliland si buuxda ula wareegtay maamulka iyo kala hagida dhammaan diyaaradaha isticmaalaya hawada Somaliland, taasi oo keentay in looga shakiyo Somaliland.

Agaasime Shiine ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay ku lug lahaayeen dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable, oo ay goobta maydkiisu yaalay gaadheen iyaga oo aanay jirin cid la wadaagtay macluumaadka marxuuka, taasina ay cadayn u tahay buu yidhi ku lug lahaanshaha dilka muwaadinka reer Somaliland.

Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise ayaa sheegay in ay sadex qolo ay ka danbeeyeen dilka marxuumka, kuwaasi oo uu kow ka yahay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu Agaasimuhu sheegay inuu muwaadiniita reer Somaliland ee Muqdisho ku nool uu u yaqaano calooshood u shaqaytayaal la jooga oo khaayimiin ah oo uu dil ku fuliyo, Mahad Salaad taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Duulista Soomaaliya iyo Maamulaha duulista rayidka ee Muqdisho ayaa uu sheegay inay ka shaqeeyeen kiiska dilka ah ee marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable.

Agaasime Mustafe ayaa sheegay in aanay ahayn markii u horeysay ee uu Xasan Sheekh dil u gaysto muwaadin reer Somaliland ah balse ay tahay caadadiisa oo uu u yaqaano calooshood u shaqaytayaal la jooga oo khaayimiin ah si fududna loo khaarajin karo.

Agaasimaha ayaa sheegay inay Soomaaliya doonaysay in si fudud u dhammeeyso dilka marxuumka oo ay soo af-jaraan, balse Aabaha dhalay marxuumka ayaa ka diiday in si dhalay ah tirtiro dilka wiilkiisa, taasi ayaa keentay ayuu yidhi Agaasimuhu in uu kiiskani ku noqdo mid aanay di dhib yar u soo gebo’gabayn Karin waxaani yidhi

“kiiskani maaha kiis fudud oo shakhsiyaad hoose galeen, kiiskan waxaa galay maamulka madaarka Muqdisho ilaa Madaxwaynaha Soomaaliya, waxaana fuliye ka ahaa Mahad Salaad, ninka taliyaha Sirdoonka gobolka u ah iyo isagu way wada socdeen, markii danbena meesha waxaa ku hadhay taliyaha Sirdoonka gobolka iyo intii la socotay.

Meesha waxa yaalaa waxa weeye in dawladda Soomaaliya ay dadka qaar u arkayaan ba in midnimadii ay wax wanaagsan ahayd in dhaqankeedu uu sidaasi yahay ilaa maanta ilaa lixdankii, oo ay dadka reer Somaliland aanay ahayn muwaadin.

Ninka muwaadinka ah ee meesha lagu dilay, waxaa kale oo uu maanta culays saaran yahay ragii kale ee reer Somaliland ee la shaqaynayay, qaarkood waxaa la sheegay inay ka baxsadeen guryihii oo ay is ilaalinayaan, markaasi waxa weeye in dadka reer Somaliland ee halkaasi joogaa inay iska ilaaliyaan dhagarta loo maleegayo”.