“Sidee ayey Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland uga kala Fal-celiyeen Xaaladihii u Dambeeyey?” Qore Cali Jaamac Maxamed

0
189

Xaaladaha kala duwan ee dalka Somaliland kolba ka taagan ee saameynta ku yeelanaya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha iyo wixii la hal maala, waxa ay bulshadu xaq ugu leedahay siyaasiyiinteena inay mowqif cad iska taagaan, iyadoo masuuliyadaasi si gaar ah u saaran tahay madaxda kala duwan ee dawladda iyo xisbiyada qaranka.

Fal-celinta masuulka ama siyaasiga xil-doonka ahi ka bixiyo dhacdooyinka kolba jira ee saamaynaya dalkiisa iyo dadkiisu waxay ka turjuntaa siyaasaddiisa shakhsiga ah ama ta nidaamka siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay iyo halka qorshihiisu ku jihaysan yahay. Sidaa darteed, ayey dadkuna u qiimeynayaan mowqifyada siyaasiga ah ee madaxda siyaasaddu iska taagaan xaaladaha cusub ee saamaynta ku yeelanaya noloshooda iyo ta dalkoodaba.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, xilligan haddii aynu is waydiino sidee ayey Xukuumadda Somaliland, Baarlamaanka, Xisbiyada mucaaridka iyo Ururada siyaasadda qaranku uga fal-celiyeen amuurahan:-

* Is fahamkii heshiis ee dhexmarey Somaliland iyo Itoobiya.

* Muranka Hawada sare ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

* Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee ujeeddadiisu tahay in lagula dagaalamo xaqa ay reer Somaliland u leeyihiin maamulka dhulkeeda iyo baddeedaba.

Dadka reer Somaliland badankoodu waxay xaaladahaas u arkaan inay isugu jiraan qaar dantooda iyo Qaranimoodu ku jirto oo taageero u baahan iyo qaar iyaga lagu waxyeelaynayo oo dawladda Soomaaliya u samaynayso inay ku burburiso dalkooda iyo dawladnimadoodaba, taas awgeedna go’aamada iyo fal-celinta madaxdooda siyaasaddu qaataan noqonayaan kuwo ay Isha ku hayaan oo saamaynaya mustaqbalkooda.

Haddaba, jawaabta su’aashaasi waxay ka soo baxaysaa marka aynu qiimeyno halka xaaladahaa ay iska taageen dhinacyada siyaasadda Somaliland, waxa soo baxaya in Xukuumadda oo uu weheliyo xisbigeeda KULMIYE iyo inta badan mucaaradka dalka oo ah xisbiga UCID iyo ururrada siyaasadda badankoodu ay mawaaqif adag ka qaateen taageerada iyo difaacadda qodobada danta dalku ku jirto ee kala ah; heshiiska is-afarad ee Somaliland iyo Itoobiya iyo maamulidda Somaliland ee hawadeeda, isla markaana waxay cambaareeyeen oo si adag uga soo horjeesteen tallaabooyinka dawladda Muqdisho qaaday ee la xidhiidha carqaladaynta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ku-tagrifalka hawada sare iyo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

Haseyeeshee, xisbiga mucaaradka Somaliland ugu weyn ee WADDANI, isagu wuxuu qaaday dariiq ka duwan ka ay inta badan madaxda kale ee dalka ee mucaarad iyo muxaafidba isugu jirtaa mareen, waxaanu ka gaabsaday inuu taageero wixii u danta ahaa Qaranka Somaliland iyo inuu ka soo horjeesto dagaallada Soomaaliya ku wado Jamhuuriyadda Somaliland.

Toddobaadkan u dambeeyey oo keliya haddii aynu tusaale u soo qaadano oo xaaladda khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya halkii ugu sarraysay marayeen, madaxda ugu sarraysa xisbiga WADDANI waxay hadallo ka jeediyeen saddex ilaa afar madalood, dhammaantood hoggaanka xisbiga WADDANI khudbadahoogii marnaba kagamay hadal difaaca dalka, taageerada aqoonsiga Somaliland iyo inay jawaabo ka bixiyaan dagaalka ay Soomaaliya ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada maamulka hawada, heshiiska Soomaaliya ku siisay Turkiga badda Somaliland iyo hadallada hanjabaadda iyo naxliga ah ee madaxda Soomaaliya hadh iyo habeen u jeedinayaan reer Somaliland.

Arrintani waxay muujinaysaa in halka Xukuumadda iyo in badan oo mucaaradka Somaliland ahi ay kaga fooganyihiin difaaca iyo ilaalinta danta Qaranimada dalka uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku mashquulsan yahay arrimaha gudaha iyo la-dagaallanka Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa xilli shacabka uu codka ka doonayaa u baahan yahay hiil iyo isgarab-taag loo muujiyo Qaranimada dalkan.

Ugu dambayn, arrimaha waqtigan taagani waxay ummadda Somaliland u kala caddaynayaan siyaasiga ay dhabta ka tahay ilaalinta iyo difaacidda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo midka aan la dareenka ahayn ee ficilladiisu muujinayaan inuu doonayo uun kursi iyo dheef uu gaadho, laakiin aan dan ka lahayn in dalkani uu noqdo mid taabbogala oo dunida ka hela madaxbannaani buuxda iyo in kale.