Maxaad ka taqaana xanuunka Dhiigkarka

0
99

Xubinteena labaad ee barnaamijka caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona macno ahaan waxa uu yahay Dhiikaru, sida culimada caafimaadku sheegaan Dhiikarku waa marka uu  ka kordho cadaadiska dhiigu, sida caadiga ah ee qofka lagu yaqaano.

Cadaadiska dhiigu marka la cabiraayo waxaa la eegaa ama la tiriyaa inta dhiig ee dhaafaysa xididada dhiiga qaada iyo xadiga adkaysi ee uu la kulmaayo marka uu wadnuhu tuuraayo dhiiga.

Xididada halbowlayaasha dhiiga oo yarada waxay kordhiyaan cadaadiska, inta kolba ay yaraadaan ama ay isku soo ururaan halbowlayaasha dhiigu waa inta cadaadiska dhigu kordhaayo,  marka uu cadaadiska dhiigu mudo soo jiitamo waxa uu kordhinayaa xaalad caafimaad daro oo ay kamid yihiin wadane xanuun.

Dhiikarku waa xaalad iska caadiya oo soo kordha ama soo socda mudo sanada ah, taas oo mudo dheer uu cadaadiska xoogan ee ku dhacaya gidaarada halbowla yaasha dhiigu maro ay keento dhibaato cafimaad.

Haddaba maxaa go’aamiya dhiikarka.

Cadaadisks dhiiga waxaa go’aamiya laba, xadiga dhiiga uu wadnuhu tuuraayo iyo xadiga iska caabinta qulqulka halbowlayaasha dhiiga, inta badan ee dhiiga uu wadnuhu tuuro iyo yaraanta halbowlayaasha,  ayaa waxa ay sababaan dhiikarkaaga.

Astaamaha Dhiikarka.

Sida ay ubadan yihiin dadka dhiikarka lihi,  malaha wax calaamadaha ah, xataa haddii uu heerka dhiikarku uu maraayo akhrintiisu meel khatara, iyada oo  inyar oo kamida dadka dhhikarka leh ayaa waxa ay leeyihiin calamadahan.

  • Madax xanuun ● Naqaska oo qabta, ●  Dhiig sanka ka yimaada xiliyada qaar sida mararka qofku uu cadhoodo.

Calaamadahan kuma muuqda iyo kuwa aan muuqaninba  inta badan waxay yimaadaan ama qofka lagu arkaa marka uu dhiikarku aadka u kordho uu qofku ku dhawaado xalad dhimasho keenikarta.

Maxaa keena Dhiikarka?

Waxaa jira laba nooc oo dhiikarka ah , kuwaas oo ka ha ,  Primary hypertension  Secondary hypertension.

Darajada koobaad  waa nooc aan  la garanayn ama aanay cadayn waxa ku keenay dhiikarka , waxaanu noocani  ku badan yahay dadka waawayn, waxaana looyqanaa primary essential hypertension waxaanu usoo kordhaa sisiyar.

Halka darajada labaad  dadka leh waxaa keena xaalado caafimaad dhiikarka noocana waxaa loogu yeedhaa secondary hypertension waxaanu u soo muuqdaa si dhakhso ah, waxaanu keenaa sababa mid ka sareeya ka primary ga ah.

Waxaa sidoo kale keeni kara xaalada badan oo kala duwan iyo waliba daawooyinka qaar ayaa iyaguna  sababi karta dhiikarka sidan hoos aan ku xusni doono.

■ Xidhan sababa hurdo xumo, xidhnaanshiyo  kuyimaada marinka hawada ee sare kaas oo noqonkara mid wada xidhan ama mid qayb ahaan xidhan,

■ Dhibaato kutimaada kalyaha,  ■ Qajidhka kalyaha kudul yaala oo fiixi kasoo baxdo, ■ Qanjidhada cunaha kuyaala oo dhibaato ku timaado , ■ Xididada dhiiga oo iyaga oo aan caadi ahayn uu qofku ku dhasho.

Geesta kale waxaa iyana keeni kara dhiikarka daawooyinka qaar sida kuwa dhalmada kala fogeeya ee looqaato kala korinta umadka, kuwa cabudhka biiya,  daawooyinka xanuun bi’iinta ah iyo daawooyinka dhakhtaradu qoraan qaarkood, sida daawooyinka aan sharciga ahayn.

Sida loo cabiri karo Dhiikarka.

Dhakhtarkaaga ayaa noqonaaya qofka ugu horeeya ee kaa eegaaya inaad dhiikar leedahay iyo inkale, waanay badan yihiin mishiinada lagu cabiro dhiikarku,  halka uu maraayo dhiikarkaagu dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaaya cabiraada kadib.

Cabiraada iyo eegida labada tiro ee cadaadiska dhiigaagu aadbay mihiim u tahay.

Dhakhtarkaaga ayaa go’aaminaaya inaad dhiikar leedahay iyo inkale, waxaana lagu eegi doonaa saddex ilaa wax kabadan si loo hubiyo inaad dhiikar leedahay, haddii maalintii dhowr jeer lagu cabiro waxaa kala duwanaanaya cabirka sidaa daraadeed dhowr cisho oo isku xigxigta ayaa lagu cabiri doonaa.

Waxaa iyana jirta oo dhacda in dhiikarkaagu kaco marka aad timaado goobta cabirka lagaaga qaadaayo ee dhakhtarka aad kula kulmayso xaaladana waxaa lagu yidhaahdaa afka qalaad.

Cadaadiska dhiiga waa in si isku mid ah looga cabiraayo labada gacmoodba, si loo eego inuu jiro kala duwananaanshiyo adigoo gacmahana meel isku mida saaraya cabirka.

Sidee loo Daweeyaa Dhiikarka.

Ugu horayn waxaa mihiim ah inaad wax kabadasho hab nololeed kaaga mana fududa ee xisaabta ku darso,  hana fududaysan waxaa laga yabaa inay wakhti kugu qaadato dajinta cadaadiska dhiigu,  sidaa daraadeed waxaa kugu adkaynayaa inaad wax ka badasho sida aad u nooshahay iyo cuntooyinkaaga maalin laha ah.

  • Cun cunto caafimaadka wadnaha u fiican milixduna ku yartahay, ● waa inaad si joogta ah jimicsi u samaysaa, ●waa inaad miisaankaaga ku ilaalisaa meesha ugu fiican, hadaad miisaan badan leedahayna ama aad Buuran tahay waa inaad ridaa, ● yaree xadiga sigaarka aad cabto amaba iska jooji.

Marmarka qaar inaad sidaad u nooshay iyo cuntada aad cunto iyo jimicsiga aad samaysaa kuguma filnaan karaan oo waxaa laga yabaa inaad daawo u baahato lagu dhimaayo cadaadiska dhiiga .