Xukun lagu riday Hooyooyin caruurtooda u diray in ay soo dawarsadaan

0
76

Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa in ka badan 100 haween ah ku xukuntay midkiiba hal bil oo adeeg bulsho ah, kaddib markii ay qirteen inay carruurtooda u direen dawarsi magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Maxkamada ayaa sidoo kale ka mamnuucday haweenkaasi in ay dib ugu soo laabtaan magaalada, waxaana ay amartay in dib loogu celiyo degmada ay ka soo jeedaan ee Napak ee waqooyiga Uganda, sida uu qoray wargeyska Daily Monitor ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Haweenkan ayaa codsaday in loo dabciyo xukun, iyada oo qaarkood ay sheegeen inay hooyooyin carruur korsada oo aan rag lahayn(Carmal), halka kuwo kalena ay hooyooyin kelidood ah ama (single Mother), sida uu ku warramay wargeyska New Vision ee dawladdu leedahay.

“Waan dhageystay oohintooda, xukun xabsi ahi kuma haboona, waa in aan fuliyo xukun feedha celin ah…waxa aan ku xukumi doonaa adeeg bulsho, hadii ay shaqayn waayaan waxay qaadan doonaan hal bil oo xadhig ah”, Garsoore Edgar Karakire oo Kiiska hayey ayey ka soo xigtay Daily Monitor.

In carruurta loo diro dhaqan xumo ama dawarsi waxay ka soo horjeedaa sharciga ilaalinta carruurta ee Uganda waxayna muteysan doontaa ugu badnaan lix bilood.

Haweenkan ayaa la qabtay bishii hore, xilli ay socdeen hawlgallo looga saarayay dadka dawarsada ee caasimadda, ka hor saddex shir madaxeed oo caalami ah oo halkaas lagu qabtay.

Carruurta ayaa la geeyey tuulada Masulita ee badhtamaha dalka Uganda, halkaas oo ay martigeliso carruurta la soo badbaadiyey.