Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JSL, oo Abaalmarisay Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Sanadkii 2023-ka

0
77

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland,  ayaa abaalamrisay shaqaalihii ugu wanaagsanaa xagga shaqada ee sannadkii tegay ee 2023-kii.

Waxaana xafladii abaalmarinta ka soo qayb galay  xubno ka mid ah golaha wasiiradda JSL, masuuliyiinta wasaaradda shaqada, agaasimayaal guud,  agaasimaha guud, iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda shaqada iyo masuuliyiin kale.

Shaqaalahan la abaalmariyay, ayaa ka mid ahaa shaqaalaha loo aqoonsaday kuwii igu wanaagsanaa, uguna dedaalka badnaa sanadkii tegay ee 2023-kii.

Wasiirka wasaradda Shaqogalinta iyo arrimaha Bulshadda Somaliland Cali Cumar Maxamed (Cali –xoorxoor) ayaa ku boggaadiyay dedaalka, iyo hawl karnimadda ay muujiyeen shaqaalaha la abaalmariyay.

Agaasimaha guud ee wasaradda shaq-gelinta oo isna madashaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha la abaalmariyo.

Gaba-gabadii masuuliyiintii ka soo qaybgalay abaalmarinta shaqaalahan ayaa ku boggaadiyay intoodii la abaalmariyay dadaalka ay muujiyeen, waxaaney kula dardaarmeen inay halkaas dadaalka ka siiwadaan oo aanay joojin hawlaha ay wasaaradda iyo Qarankaba u hayaan.