Dhibta Magaca Iyo Maal Raadinta!

0
101

Dunidan doonista iyo iska daba ridka magaca iyo maalka ayaa samada maray kaasi oo sababay in la sameeyo sifo kasta oo lagu gaadhi karo taasi oo mararka qaarkood geeri loogu badheedhayo.Ā  Tartanka ugu naxdinta badan dunida ayaa noqday kan sawirka ka muuqda.

Tartanka oo ay ku tartamaan dadka xirfadoodu tahay bootada. Tartame kasta oo ka qaybgalaya waxa looga baahan yahay inuu marka hore soo qaato ilmo yar oo uu dhalay, kuwaasi oo inta Furaash la isugu geeyo qof kasta ka dul boodayo.

Waxaana dhacda mararka qaarkood in midkood ku dhaco caruurtaasi yaryar oo ay qaarkood halkaasi ku dhintaan, mana jirto wax la is weydiiya. Dad badan ayaa usoo daawasho taga dilka waxshiga ah ee ubad yaryar loo geysanayo.