Xidhiidhka Cudurada Iyo Werwerka!

0
71

Dheecaanka jihdku soo daayo ee immunoglobulin A (IgA) waxa ay qaabilsan yihiin difaaca xuubka sare ee afka , sanka, cunaha , marinka hawada iyo dheefishiidka.

Dheecankan waxa uu ka hortagaa mar kasta oo xanuuno soo hujuumaan qofka. Waxaana uu jidhku si wanaagsan oo ah xaddi ku filan difaaca soo daaya marka uu qofku caadiga yahay noloshiisuna uu raali ka yahay.

Waxa kale oo la cadeeyay in marka qofku uu werwer, cadho iyo cabsi badani ku lamaan tahay in dheecaanada difaaca ee immunoglobulin A uu jidhku soo daayo xadi kooban oo aan ku filayn difaaca xanuunada weerarka ku haya. Waxa  wanaagsan in aanad isku abuurin werwer iyo cabsi dhinaca nolosha oo joogto ah wakhtigaasi oo Jidhkuna uu si fiican oo tayo leh uga diyaar garoobo dhamaan cudurada kala duwan ee Aadamiga cadowga ku ah.

Waxa kale oo jirta in yaraanashan IgA  ay mid la iska dhaxlo dadka qaarkood , waxaana taasi ay xidhiidh la leedahay kala duwanaanta koromosoomyada 18, 14 iyo 6. Waxaana sabab looga dhigaa caabuqa ku dhasha ku dhasha ilma galeenka hooyada.