Booliska Faransiiska ayaa 72 qori ka soo qabtay guriga xiddigii hore ee aflaanta

0
79

Booliska Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay 72 qori iyo in ka badan 3,000 oo rasaas ah guriga halyeeygii hore ee aflaanta Alain Delon.

Intaan la baadhin guriga Toogasho ayaa laga maqlay dhinaca guriga jilaaga oo ku yaala Douchy-Montcorbon, oo qiyaastii 135km (84 mayl) u jirta koonfurta Paris.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mr Delon aanu haysan ogolaansho ah haysashada hubka.

Jilaagan, oo 88 jir ah, waxa uu ahaa xiddig soo baxay waayihii dahabiga ahaa ee shaleemooyinka  Faransiiska, kaas oo caan ku ahaa shakhsiyadiisa adag ee jillida sida  filimadiisii The Samurai iyo Borsalino.

Baadhitaanka Salaasadii ayaa la amray ka dib markii sarkaal ay maxakamaddu soo magacawday oo loo diray guriga Mr Delon uu arkay hub aanu ogeysiiyay garsoorka.

Xiddiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay xaaladiisa caafimaad aad u liidatay kadib markii sanadkii 2019 uu ku dhacay istaroog, waxaana la soo deristay xaalad kale oo halis ah, taas oo aan loo magacaabin warbaahinta Faransiiska.

Burburkii qoyskiisa ayaa sidoo kale noqday fadeexad iyo cinwaannada ugu waaweyn Faransiiska.

Saddex caruur ah oo uu dhalay ayaa ka cowday shakhsiyaad ay sheegeen in ay aabohood ku hayaan magac dil, waxaanay warbaahinta hortooda ku soo bandhigay hadalo isugu jira aflagaado, eedaymo, dacwado iyo cajalado sir ah.

Kiiskiisii ugu danbeeyey oo muran dhanka sharciga galay ayaa ku saabsanaa daawaynta caafimaad ee Mr Delon, bishii horena dhakhtar baadhayey ayey maxkamaddu ka joojisay, kaas gabagabadii baadhitaankiisa ay isla markiiba khilaafeen carruurtiisu.

Walaac ayaa markii ugu horeysay laga soo saaray isaga sanadkii hore markii caruurtiisa ay soo gudbiyeen cabasho ka dhan ah caawiyihiisii ​​hore ee ku noolaanshaha Hiromi Rollin.

Waxay ku eedeeyeen kaaliyaha wax-soo-saarka filimada Japan inuu ku hawlanaa ” dhibaatayn akhlaaqeed ” aabahood. Qareenkeeda ayaa diiday dhammaan eedeymaha xilligaas.

Mr Delon muuqaalkiisii ​​ugu dambeeyay ee dadweynuhu wuxuu ahaa mid uu ku helay abaal marinta loo yaqaano Palme d’Or ee Bandhigga sharafeedka Filimkii Cannes sanadka 2019.

Bishii Sebtembar 2019, wuxuu ka qaybgalay aaska saaxiibkiis iyo xiddigii kale ee Jean-Paul Belmondo ee Paris.

Lama faahfaahinin noocyada qoryaha iyo sababta uu u haystay waxa keliya la sheegay tirada qoyaha.