Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Kulmiye oo Kulan la qaatay Madaxdhaqameedka Gobolka Gabilay

0
83

Gabilay(Dawan):-Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye  Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay  kulan la qaatay Madax-dhaqameedka Gobalka Gabilay iyo  Bulshada Degmada Arabsiyo.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye  Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Kulankan is-xogwaraysiga ah ee uu  la qaatay madax-dhaqameedka reer Gabiley iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Arabsiyo.

Sidoo kale  Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye  Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxa uu safar ku soo maray magaalooyinka Arabsiyo Gabiley iyo Wajaale ayaa waxa kulamo la qaatay ee qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan Magaalooyinkaas.