Markab laga Leeyahay UK oo ku Dagtay Xeebaha Yemen

0
91

Markab nooca xamuulka qaada ah oo ka diiwaan gashan dalka Britain ayaa degay laba todobaad kadib markii Xuutiyiinta ay ku weerareen gacanka Cadan.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in markabka Rubymar wuxuu ku safarayey biyaha gacanka maalmo ka hor inta aanu degin.

Waa markabkii ugu horeeyay oo ay dejiso fallaagada ay Iran taageerto ee Yemen tan iyo markii ay bilaabeen beegsiga maraakiibta mareysa badda cas.

Markabka ayaa la sheegay in uu sidey waxyaabaha loo yaqaano bacrimiyeyaasha ee beeraha loo adeegsado waxaana khubaradu ay sheegeen in degista markabkani ay halis u tahay  inuu keeno musiibo deegaan.

Markabkan oo lagu magacaabo Rubymar ayaa ku sugnaa gacanka Cadmeed ee u dhow marinka Bab al-Mandab, waxaana lagu dhuftay laba gantaal oo ay rideen fallaagada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen.

Toban maalmood ka hor, dowladda Britain ayaa sheegtay in markabkaasi uu si nabad ah u marayey biyaha, waxaana la badbaadiyay 24-shaqaale ah oo la socday.

Sawiro laga qaaday Markabka ayaa muujinayaisaga qaybta hore quustay balse uu weli dul taagan biyaha.

Mulkiilayaasha Markabka ayaa isku deyey in ay u jiidaan dhinaca dalka Jabuuti oo u dhow balse ay suurta gal tahay inuu dego.

Markabka Rubymar oo dhererkiisu dhan yahay 172 mitir ayaa laga taagay Calanka Belize, waxaana gacanta ku haysa shirkad Lubnaani ah.

Mulkiilaha ka diiwaan gashan waa Shixnadda Adventure Shipping, oo ciwaan ku leh dekedda Ingiriiska ee Southampton.

Markabka ayaa la rumeysan yahay inuu siday shixnad bacrimin ah oo loo yaqaan Ammonium Nitrate.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, Axmed Cawad Bin Mubaarak, ayaa ku tilmaamay degitaanka markabka “masiibo deegaan oo aan horay loo arag”.

Greenpeace waxay sheegtay in amooniyam nitrate ku daatay ay “saamayn la taaban karo ku yeelan karto hab-nololeedyada badda”, kaas oo koonfurta badda cas ka muuqda seeraha shacaab, mangroves xeebaha iyo nolosha badda ee kala duwan.

Waaxda Sayniska Badda ee Jaamacadda Urdun ayaa sheegtay in bacriminta badan ee lagu sii daayo badda ay kicin karto koritaanka xad dhaafka ah ee algae, iyadoo la isticmaalayo ogsajiin aad u badan oo nolosha caadiga ah ee badda aysan sii noolaan doonin.

Tan iyo bishii November, fallaagada Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaaday maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed, iyagoo sheegay in ficiladooda ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.