Magaalada Hargeysa: Hooyo iyo Laba Caruura oo ay Dhashay oo ku Naf Waayey Dab ka Kacay Gurigooda

0
86

Hargeysa (Dawan) Hooyo iyo laba Caruura oo ay dhashay ayaa ku dhintay dab ka kacay hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax ee Hargeysa, sida uu sheegay Ciidanka Dabdamiska Somaliland.

Warbixin ka soo baxday taliska guud ee ciidanka dab-damiska Somaliland, ayaa lagu sheegay in 4:00 subaxnimo ciidanka Dab-demiska Hargeysa uu ka hawlgalay una gurmaday qoys dab-qabdasay gurigooda, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale.

“Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax” ayaa lagu yidhi warbixinta ciidanka dab-damiska.

Warbxinta waxa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Degmada Gacan-libaax ay la wareegeen maydadka hooyada iyo labada caruurta ah, isla markaana ay baadhis ku hayaan dhacdada.

Ciidanka ayaa bulshada ku nool Somaliland uga digay in ay habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka, isla markaana ay damiyaan laydhka, in la aaso dabka girgirayaasha, iyo in dabka la dhigo meel ku haboon.