Maxay u Taabo-qaadi Weyday Dawlad-nimada Soomaaliya Somalilandna u Tamarisay?

0
153

Qore Cumar Maxamed Faarax

Soomaaliya marka laga qiyaas qaato jidka qodaxda leh ee ay dhabihiisa ku taagan tahay, waxa muuqata in bohol dheer ay kaga dhacday oo aanay dawladnimo u taabo-qaaddi doonin.

Heestii ahayd : “Soomaaliya waa Mashruuc” ee uu curiyay Cabdiraxmaan Beyle ayaad moodaa in samada looga aqbalay.

“Beesha caalamka ee danaynaysa xasilinta iyo dawlad dhiska Soomaaliya, haddana waxa ka go’an in aanay dawlad cagaheeda ku taagan oo tallaabsan kartaa aanay dhalin Soomaaliya,” sidaas waxa ku tiraabay Cali Maxamed Geeddi oo Raysal-wasaare ka noqday Soomaaliya, oo soo bandhigay in dawlado waaweyn oo shirkii lagu soo dhisay dawladiisii gacan weyn ka geysanayay ay doonayeen in aanay saldhigin dawladda Soomaaliya.

Sidaas darteed, Soomaaliya waa dhufaysyo ay ku hirdamaan dalalka caalamku. Nidaamka Maamul ee Soomaaliyana wuxuu noqday dawlad beenaad ku dhisan tuugsi dibadeed iyo fulinta danaha dalalka gacanta siiya.

Ku tiirsanaanta shisheeyuhu waa asbaabaha hagardaamada ku haya dawladnimada Somalia oo noqotay astaan u taagan nabadgelyo darro, burbur, argagixiso iyo inay sannadihii u dambeeyay oo dhan ay ku keliyaysatay kaalinta koowaad ee Qarammada fashilmay.

Michael Rubin oo ah khabiir millateri iyo axadhe siyaasadeed oo u dhashay Maraykanka, ayaa hore ugu tilmaamay Soomaaliya “Haan Daloosha” oo dunidu khasaare ka joogto ballaayiin doolar oo 33kii sannadood ee la soo dhaafay caalamku joogto u gelinayey, haddana Xukuumaddeedu aanay ka wada talin magaalada Muqdisho oo keliya.

Guusha u weyni waa ta uu cadowgaagu kuu qiro, Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inay Somaliland ugu guullaysatay nabadeynta iyo dawlad dhiska,kadib markii waayeelka samo-taliska ah iyo labeenta bulshadu isteerinka u qabteen xilligii nabadeynta iyo qaramaynta maleeshiyaadka ay ku foognayd Somaliland, wuxuuna caddeeyay in qabqableyaashii dagaal oo u xilanaya danahooda shakhsiga ahi ay mar walba hor boodayaan dalkiisa, taasina ay dhalisay burburka laga soo kaban waayay iyo gunaadka ku yaalla Soomaaliya.

Farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ah:

▪In Somaliland dhisme ahaan iyo ficil ahaanba ay taabogashay dawladnimadeeda raasamaalka ah oo ay ka caagan tahay farogelinta shisheeyuhu.

▪Halka Soomaaliya ay dawladnimada u fahantay aqoonsiga iyo shirarka dibadda ee aanay ku lammaanayn dawlad shaqeynaysaa.