Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Diinta JSL oo Kormeer ku Tagay Xarunta Hiil Qur’aan ee Boorama

0
91

Boorama (Dawan)- Agaasimaha Waaxda Horumarinta Tacliinta iyo Dacwadaha ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Cabdixakiin Maxamed Muuse iyo Madaxa Xafiiska Manaahiijta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Siciid Xuseen Diiriye oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal ayaa kormeer ku tagay Xarunta Dayactirka Kutubta ee Hiil Qur’aan ee Magaalada Boorame.

Waxana Masuuliyiinta halkaa kusoo dhoweeyay maamulka Xarunta hiil Qur’aan isla markaana uga waramay hawlaha shaqo ee Xaruntani ay qabato.

Cabdixakiin Maxamed Muuse Agaasimaha Waaxda Horumarinta Tacliinta iyo Dacwadaha iyo Madaxa Xafiiska Manaahiijta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Siciid Xuseen Diiriye oo hadalka iska daba maray ayaa si weyn u bogaadiyey hawlaha shaqo ee Xarunta Hiil Qur’aan hayso iyagoona uga Mahad-naqay dedaalka iyo kartida ay halkaa kusoo gaadheen.