“Mooshinkani Wuu Jabay, Waxaa ka Noqday 9 Xildhibaan” Xoghayaha Golaha Wakiillada Somaliland

0
116

Hargeysa (Dawan)- Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa sheegay in uu jabay mooshin ay xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu ka keeneen in wax ka badal lagu sameeyo tirada lagu ridi karo Shirguddoonka Golaha Wakiilada.

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa waxa uu tilmaamay in sagaal Xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ay ka noqdeen mooshinkaas, isla markaana uu ku ansaxayay 27 Xildhibaan.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka hadlayay Mooshinkan iyo qaabka uu u buray shirci ahaan ayaa waxa uu yidhi. “Mooshinkani waxa uu ku ansaxayay 27 Xildhibaan. Mooshinka markii la xaadiriyay waxa mooshinkaas ka noqday. Xildhaabada ay ka mid ka yihiin:-

  1. Xildhibaan Cabdikariim Hugur
  2. Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun
  3. Xildhibaan Mubaarig Muuse
  4. Xildhibaan Axmed Yaasiin Axmed

5.Xildhibaan Axmed Cabdikariim Walhal

  1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Badheedhe
  2. Xildhibaan Xasan Kayse
  3. Xildhibaan Amiin Saleebaan Kulul
  4. Xildhibaan Maxamed Cismaan Liimo

Sagaalkaa Xildhibaan ayaa ka noqday Mooshinkaas, waxaana mooshinkaas ogolaaday 23 Xildhibaan, waxaana laga rabay mooshinkaas 27 Xildhibaan sidaas ayuuna ku jabay mooshinkaasi”.