Xukuumada JSL oo Shirkadaha Saudi Arabia u soo Bandhigay Fursadaha Maalgeshi ee Somaliland ka jira

0
180

Wasiirka Horumarinta Maalgashiga Somaliland ayaa shirkadaha waawayn ee Sucuudiga u soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland

 

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay shirkadaha waawayn ee dalka Sucuudiga u soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, halkaasi oo ay shirkaduhu balan qaadeen inay dalka imanayaa si ay uga qayb qaataan fursadahaasi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Warshadaha Somaliladn Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo uu wehelinayay Agaasimaha Waaxda Maal-gashiga ee wasaaraddaasi Mudane Cabdalle Maxamuud Sh. Cabdilaahi ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Sucuudiga.

Wasiirka ayaa martiqaad ka helay Shirkadda AL-RAJHI GROUP oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalka Sucuudiga, waxaana Wasiirka qaabilay Gudoomiyaha Shirkaddan Mr. Sheik Nasser Bin Mahdi Al Suldan, ujeedada safarkan ayaa ahaa inuu wasiirku u soo bandhigo shirkadaha waawayn ee dalka Sucuudiga oo ay kow ka tahay shirkada AL-RAJHI GROUP, fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, si ay shirkadahaasi maalgalin ugu sameeyaan dalka.

Wasiirku waxa uu warbixino ka siiyay Fursadaha Maalgashi ee dalka yaala iyo Khayraadka dihin ee u baahan in la maalgashado, sidoo kale gudoomiyaha Shirkaddan ayaa isna soo dhaweeyay warbixinta wasiirka maalgashiga, sidoo kalena balan qaaday in ay iman doonaan dalka dhawaan oo ay maalgashiyo kala duwan ku samayn doonaan dalka.

Sidoo kale Wasiirka iyo madaxda kale ee dalkaasi ayaa soo indho-indheeyay Mashaariicda waaweyn ee ay wado Shirkaddani kuwaasi oo warbixino laga siiyay Waxyaabaha ay qabtaan, maalgashiyada ay sameeyeen iyo sida ay u shaqeeyaan shirkadaha Al-Rajhi.

Gebo’gabadii Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland iyo hormoodka shirkada AL-RAJHI ayaa isla qaatay in la xoojiyo xidhiidhka labada dhinac, kaasi oo ku salaysan in Shirkadu ay dhawaan dalka ka bilawdo maalgalinta la xidhiidha kheyraadka dihin ee Jamhuuriyadda.