Dib u Milicsiga Qarixii Jaaliyada Isreal ee ka dhacay Argentina 1994kii

0
67

Bishii july 18, 1994, qarax ayaa burburiyay xarun dadka Yuhuuda ahi ku lahaayeen magaalada Buenos Aires ee Argentina waxa lagu sheegay weerarkii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Argentina ayaa waxaa ku dhintay 85 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 300 oo qof.

Aad looma oga qaraxaas wuxuu ahaa laakiin wararku waxay u badiyeen qarax baabuur, sidoo kale aad looma oga cida fulisay laakiin dacwad oogayaasha ayaa eeda dusha ka saaray Iran iyo ururada xidhiidhka la leh oo kaashaday xubno gudaha ah.

Mas’uuliyada Iran ayaa dusha laga saaray, balse 30-kii sano ee la soo dhaafay ma jirto cid lagu xukumay inay qorsheynaysay ama fulisay qaraxaas. Intii ka danbaysay wakhtiyadii qaraxu dhacay oo 30 sanno ah, eedeymo cusub ayaa la gudbiyay – oo ka dhan ahaa, laba ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Argentine – iyo madaxii baadhaha kiiska oo dhintay, waxaana jira shakiyo badan iyo dhinacyo kiisku galay..

Jaaliyada Yuhuuda ee Argentina waa tan ugu weyn Latin America ama ugu badan. Dadkeeda ku nool Buenos Aires waa ku dhawaad ​​180,000 dalka oo dhanna waa 230,000, sida uu sheegay Daniel Pomerantz oo ahaa agaasimaha fulinta AMIA, oo u taagan ururka saaxiibtinimada Argentina iyo Isreal.

Intaanu dhicin weerarkii Jaaliyada laba sano ka hor bam  ayaa lagu weeraray safaaradda Israel ee Buenos Aires oo ay ku dhinteen 29 qof; Dowladda Argentina ayaa ku eedeysay Iran.

Inkasta oo Iran lagu eedeeyey qaraxa haddana Mala-awaalkii ugu horreeya ee rasmiga ah ayaa tilmaamaya in gaadhiga qarxay uu bixiyay nin u dhashay Argentine oo aan waligiis xidhiidh la lahayn Iran.

Ka dib maxkamadeyn la qabtay intii u dhaxeysay 2001 iyo 2004 – iyada oo 1,500 oo markhaati ah loo yeedhay – maxkamad ayaa go’aamisay in garsooraha kiiska kormeerayay uu lumiyay dhexdhexaadnimo. Dhammaan eedeysanayaasha waa la sii daayay.

Kiis labaad ayaa la furay ka dib si loo eego khaladaadkii inta lagu jiro baadhitaanka. Madaxweynihii hore ee Carlos Menem ayaa lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay baadhitaanka balse waa la xaliyey 2019. Si ka duwan isaga, Garsoorihii hore ee Federaalka Juan Jose Galeano, oo madax ka ahaa baadhitaanka qaraxii ugu horeeyay, ayaa lagu helay musuq maasuq iyo wax isdaba marin waxaana lagu xukumay lix sano oo xadhig ah.

Kumuu ahaa Alberto Nisman muxuuse baadhitaankiisu fure u ahaa kiiska?

Nisman ayaa dacwadda la wareegay sanadkii 2005. Sannadkii 2015-kii, waxaa meydkiisa laga helay gurigiisa afar maalmood ka dib markii uu ku eedeeyay madaxweynihii xilligaas Cristina Fernandez inay qarisay doorkii Iiraaniyiinta ee lagu eedeeyay weerarka.

Baadhitaan hore oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in Nisman uu is dilay, balse warbixin dambe ayaa muujisay in uu ahaa dil. Kiiskii lama xalin.

Marka loo eego eedeynta Nisman ee Fernandez, wasiirkeedii arrimaha dibadda ee xilligaas, Hector Timmerman, iyo kuwa kale ayaa iska kaashaday shirqool lagu doonayay in ciqaab la’aan lagu siiyo dadka lagu eedeeyay kiiska AMIA.

Mudadii uu joogay Nisman waxa uu codsaday in la xidho madaxweynaha Iran, wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo saraakiil kale, iyo sidoo kale madaxa hawlgelinta ee Xisbullah. Garsoore ayaa soo saaray waaranka caalamiga ah ee lagu soo xidhayo sagaal qof oo loo arko inay ka dambeeyeen weerarka, sanad ka dib Interpol ayaa soo saartay ogeysiis casaan ah oo ka dhan ah shan ka mid ah. Ogeysiisyadu waa codsiyo ku socda sharci fulinta adduunka oo dhan si ay u helaan oo ay si ku meel gaadh ah u qabtaan qof sugaya gacan-gelin

Dowlada Iran ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay weerarkaasi, waxaana ay diiday inay soo wareejiso dadka la doonayay in lagu maxkamadeeyo dalka Argentina.

Marka loo eego eedeymaha Nisman, xukuumadda Fernandez waxay heshiis la gashay Iran 2013: Iyada oo lagu beddelayo heshiisyo wanaagsan oo ku saabsan saliidda iyo badeecadaha kale, oo aan ku lug lahayn wixii dhacay 1994.

Fernandez, oo sidoo kale lagu eedeeyay eedeymo lacag dhaqis ah iyo urur sharci darro ah kiis kale, ayaa weli sugaya maxkamadeynta eedeymaha qarsoon. Mar walba way diidi jirtay inay wax khalad ah samaysay, iyada oo ku eedaysay in heshiiska dawladeedu la gashay Iran uu ahaa mid loogu talagalay in lagu fududeeyo su’aalaha eedaysanaha.

Geeridii Nisman ka dib, xeer-ilaaliyeyaal cusub ayaa loo magacaabay kiiska AMIA walina wuu furan yahay. Qareenka AMIA, Miguel Bronfman, ayaa diiday codsi AP ah oo uu kaga hadlay faahfaahinta hadda jirta ee kiiska.