Dhalinyarada Myanmar oo ka Cararaya Sharciga Askaraynta

0
64

Hogaamiyayaasha dhalinyarada Myanmar waxaa ka go’an in ay ka fogaadaan sharciga askareynta ee militariga kaas oo keeni kara in ay la dagaalamaan xoogaga iska caabinta oo ay qayb ka yihiin.

Sharciga adeegga milatariga ee dadka Myanmar, oo la soo saaray 2010, laakiin la hawlgeliyay Febraayo, macnaheedu waa ragga da’doodu tahay 18 ilaa 45 iyo dumarka da’doodu tahay 18 ilaa 35 waxaa loo diyaarin karaa ciidamada qalabka sida muddo laba sano ah. Dadka ku jira xirfadaha qaarkood, sida dhakhaatiirta, waa inay shaqeeyaan saddex sano. Xaaladda degdegga ah ee qaranka, adeeggaa milatariga waxaa lagu kordhin karaa wadar ahaan shan sano.

Hoggaanka talada dalka haya ayaa doonaya in ay diyaariyaan 60,000 oo shaqaale cusub ah sanadkii, kuwaas oo 5,000 ay qaadanayaan dhamaadka bisha April, sida uu sheegay Zaw Min Tun, oo ah afhayeenka dowladda militariga Myanmar.

Robert Minn, 25, waa u dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ee Isbahaysiga walaalaha Myanmar oo ah, koox u dooda dkalinyarada oo ku baahsan dhowr wadan oo Bariga Aasiya ah. Waxa uu VOA-da u sheegay in dhawaan lagu joojiyay bar kontorool oo ku taalla magaalada Yangon oo uu ka codsaday in uu ku biiro ciidanka.

“Toddobaadkii hore waxaan tegay badhtamaha magaalada, waxayna hubiyeen teleefankayga,” ayuu yidhi. “Waxba kuma haysto teleefankaas, wax siyaasad ah ma jiro. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, ‘Ma doonaysaa inaad u adeegto milatariga? Diyaar ma u tahay inaad ku biirto qoritaankan?’

Isaga oo la kulmay caga-jugleyn, Minn wuxuu sheegay inuu go’aansaday inuu baxsado.

“Maya ayaan idhi, laakiin waxaa jiray askar badan, marka waxaan ku idhi haddii aad si rasmi ah warqad iigu soo wacdo, waxaa laga yaabaa inaan ku biiro,” ayuu yidhi.

Minn waxa uu sheegay in uu siinayay askarta 50,000 MMK (Burma Kyat), taas oo dhan $23.80, si uu uga baxo koontaroolka.

Warqadaha dowladda ee dhiirigelinaya dhalinyarada inay isdiiwaangaliyaan ayaa lagu qaybiyay Myanmar oo dhan tan iyo markii sharciga askaraynta uu dhaqan galay 10-kii Febraayo.

“Waxay ku qasbayaan dhalinyarada iyo ardayda yaryar inay dalka ka baxaan ama ay hubka qaataan si ay dagaalka ugu biiraan, iyaga oo aan wax doorasho ah lahayn,” ayuu u sheegay VOA. “Waxay khatar ku tahay kooxdayada, gaar ahaan kuwa ku nool magaalooyinka. Runtii waxaan ka walwalsanahay dhalinyarada, in la shaqaaleysiiyo iyaga oo aan rabin.”

Myanmar waxa ay ku jirtay fowdo tan iyo markii hogaamiyihii milatariga General Min Aung Hlaing iyo ciidamadiisa ay afgambiyeen dawladii dimuqraadiga ahayd ee la soo doortay February 2021. Inqilaabku waxa uu dhaliyay kacdoon hubaysan oo socday saddex sano.

Iska caabinta Myanmar waxaa ka mid ah Dowladda Midnimada Qaran oo ay hoggaaminayaan rayidka; garabkeeda hubaysan, Ciidanka Difaaca Dadweynaha; iyo kooxaha hubaysan ee qowmiyadaha.