Faysal Cali Waraabe oo Naqdiyay Warbixin Cadowga JSL Maal-geliyay

0
101

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si kulul u cambaareeyay warbixin uu soo saaray machadka Heritage ee laga leeyahay Soomaaliya oo caddaystay cadaawada ay u hayaan shacbiga iyo Qaddiyadda Jamhuuriyadda  Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Waraabe ayaa warbixinta machadkaasi ku naqdiyay heshiiska isfaham ee ay wada galeen  JSL iyo Itoobiya ku tilmaamay mid ay maalgaliyeen cadowga Somaliland.

“Maaha warbixin siyaasadeed. Waa xashiish qoraal ay u beddeleen dambiileyaal qabyaaladi madax martay oo ay maalgeliyeen cadowga Jamhuuriyadda Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka fashilmay ee Soomaaliya,” ayuu Eng. Faysal Cali Waraabe ku yidhi farriin uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter)ka.

Guddoomiye Faysal wuxuu intaas ku daray juhdiga ummadda reer Somaliland wiiqi doonto warbixinta cadaawada xambaarsan ee ay soo saartay  Xarunta isku sheegta Machadka  Heritage oo ka qaracantay in Itoobiya ay u badheedhay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay dhawaan ku dhawaaqi doonto marka  rasmiyan loo kala saxeexanayo heshiiskii laba geesoodka ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Machadkaasi wuxuu is muujiyay inuu yahay mid fulinaya siyaasadda Soomaaliya, waxaanay ku gefeen iraaddada shacbiga Somaliland iyo xaqa ay u leeyihiin aaya ka tashigooda.

Heritage waxa ay dawladda Muqdisho ku booriyeen inay ka shaqeeyaan kala jajabinta iyo qayb-qaybinta shacbiga Somaliland ee wadajirka iyo midnimada ku dhistay dawladnimada iyo qarannimada ay ku naaloonayaan ee JSL wadajirna u difaacanayaan.