Xoghayaha G. Saaxiil oo Noqday Shakhsigii Hogaaminayay Ardayda ka Qalin-jabisay Jaamacada Golis Berbera

0
59

Berbera (Dawan) Xog-haya Gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan oo ka mid ahaa ardaydii shalay ka qalin jabisay Jaamacadda Golis faraceeda Berbera ayaa noqday ardaygii ugu sareeyay Kuliyadii uu baranayay ee Sharciga, sidoo kalena noqday ardayga ugu sareeya dhamaan ardayda ka qalin  jabinaysa jaamacadda Golis Berbera dufcadii 12-aad.

Nuux Maxamed Saleebaan Xog-hayaha gobolka Saaxil ayaa masuuliyiintii munaasibada qalin jabinta ka soo qayb galay ay ka markhaati kaceen, dedaalka iyo halw karnimada uu ku sifoobay xog-hayuhu, waxaanay bogaadiyeen derajada u uku hogaamiyay dhammaan kulliyadaha Jaamacadda Golis faraceeda Berbera.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Case ayaa oo munaasibada ka hadlay ayaa qiray daacadnimada iyo dedaalka uu muujiyay Nuux Maxamed Saleebaan waxaanu sheegay in loo baahan yahay inay ku daydaan masuuliyiinta dawladu oo ay ku dedaalaan waxbarashada iyo shaqada Qaranka labadaba.

Waxa kale oo uu gudoomiyaha gobolka Saaxil ku sifeeyay xog-haye Nuux inuu yahay qof shaqadiisa ka adag oo ay daacanimo iyo dedaal uu u dheer yahay, waxaanu ku dhiirigaliyay inuu halkaasi ka sii wado shaqada Qaranka iyo daalacashada culuumta maadiga iyo diiniga labadaba.