Quwadaha Iyo Muranada Caalamka!

0
51

Sanadkii 1886 dalalka Faransiiska iyo Mexico waxa dhex maray dagaal aad u xun. Dagaalkan waxa sababay markii askarta Mexico ay xad gudub kula kaceen nin Faransiis ah oo moofo Roodhida iyo piisada lagu sameeyoย  ku lahaa caasimadda dalkaasi.

Weerarka xadgudubka ee ay ku qaadeen ninka Moofada leh ayaa keenay inuu ninkaasi khasaare badan soo gaadho , waxaana khasaareย  badani ku yimid roodhida.

Si loogu celiyo hantida ka khasaartay mulkiilaha moofada ayaa cabasho u gudbiyay Boqorka Faransiiska ee wakhtigaasi Louis Philippe.,

Boqorka ayaa isla markiiba amar ku bixiyay in wadahadal lala yeeshay dawladda Mexico si magdhow loo siiyo ninka moofada leh.

Laakiin Faransiisku waxay adkeeyeen shuruudaa ay ku xidheen magdhowga ay bixinayso Mexico, taas oo ku keentay fashil ku yimi. wadaxaajoodka dhex marayay labada dal. Makii wadahadalku fashilmayย  Faransiiska ayaa iclaamiay weerar ay ku qaadanayaan Mexico isla markiibana way bilaabeen.

Si kastaba ha ahaatee, Mexico waxay awoodi weyday oo u adkaysan kari weyday inay muddo dheer sii dagaalanto, ugu danbaystiina waxay ogolaatay inay bixiso xadiga magdhowga uu dalbaday dalka Faransiiska ka dib iyadoo khasaare weyni haddana soo gaadhay