Hargeysa: Aaskii Marxuum Maxamed Xaashi Qowdhan iyo Dardaarankii Duqa Caasimadda

0
59

Hargaysa (Dawan) Maalintii Dorraad waxa ay tiisii noqotay oo Hargaysa lagu aasay Marxuum Sama-fale Maxamed Xaashi Qawdhan oo ahaa muwaadin reer Somaliland ah oo noloshiisa iyo xoogiisaba galiyay sidii ay Hargaysi u heli lahayd waddooyin aan dhibaato lagala kulmin.

Marxuumka Aaskiisa wxaa ka soo qayb galay Maayirka Caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, Salaadiin, Cuqaal, ganacsato iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somalialnd, kuwaasi oo ILLAAHAY ergo uga noqday Marxuumka.

ILLAAHAY ha u naxariisto’e wuxu ahaa murxuumku mid ay wada qireen wanaagiisa iyo waxtarkiisa dhammaan bulshada ku nool Caasimadda Hargaysa, kuwaasi oo ka marag kacay sifaha wanaagsan ee uu ugu adeegi jiray dadkiisa iyo dalkiisaba.

Marxuum Maxamed Xaashi Qawdhan waxa uu ahaa Aabe jiray da’da 121-ka, waxa uu dunida guudkeeda kaga tagay lix qof iyo xaasikiisii, waxa uu markasta qirsanaa intii uu noolaa in dunida dadkiisii ay ka dhamaadeen balse sababta uu baaqiga ugu sii yahay dunidu ay tahay kaliya hagaajinta waddooyin u hadhsan inuu sameeyo si ay dadkiisu ugu maraan si raaxo leh.

Mar kasta waxa dhibaato ku hayn jirtay bulshada ka cabaynaysa jid la’aanta iyo meel ay gaadiidku u soo maraan, waxaanu markaaba qaadan jiray go’aan ah in goobtaasi uu hagaajiyo, waxa uu xusay Marxuumku intii uu noolaa inuu la kulmay haween ka cabanaya inay la’a yihiin meel ay u soo maraan Booyadaha biyaha u dhaamiya, waxaanu u sheegay in uu isagu u samayn doon jidkaasi dhibka badan ee ay ka caageen Booyaduhu, iyada oo ay haweenkii u qaateen inuu iska hadlayo marka ay itaalkiisii u fiirsadeen iyo hawsha jidka taala ayaa shaqo adag kadib waxa la arkay gaadiidkii oo susumaya jidkii uu mudada kooban garaacayay, taasi oo ay dadkii xaafaddu aad ugu riyaaqeen farsamadiisa iyo ku dhiirashadiisa.

Marxuum Maxamed Xaashi Qawdhan waxa ay saaxiib dhaw ahaayeen Sheekh Cumar Faarax Warfaa kaasi oo kula dardaarmay inuu wadooyinka u hagaajiyo Magaaladda, taasi oo uu ilaa maanta ku hawlanaa sidii uu u hagaajin lahaa jidadka Hargaysa uu xaqii u yimi.

Marxuumka sida aan ka maqlay waxa uu ahaa qofkii soo sahamiyay Xaafadda Sheekh Cumar ee magaaladda Hargaysa, taasi oo uu sheekh Cumar wakhti ay wada joogeen uu ku yidhi inoo soo sahami meel aynu ku noolaano, oo marxuumka soo helay goobtan ay hadda tahay xaafadda Sheekh Cumar oo wakhtigaasi Libaaxu ka ciyay, balse uu Marxuumku ku qancay, dibna ugu jawaab celiyay Sheekhiisii inuu soo helay goobtaa, sidaasina uu Sheekh Cumar ku armay in ay u guuraan, sidiina ay ku soo dageen, haddana loogu nool yahay.

Marxuum Maxamed Xaashi Qawdhan waxa maamuusay oo muuneeyay, qirayna kartidiisa iyo dedaalka uu galiyay magaaladiisa Maayirka Caasimadda Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge, oo markii uu arkay shaqada iyo daacadnimada ka muuqata uu go’aansaday inay ka gole deegaan ahaan u dhisaan guri uu ku noolaado iyo in laga shaqo galiyo dawlada hoose ee Hargaysa oo uu ilaa wakhtigan ka tirsanaa shaqaalaheeda.

Marxuumka ayaa waxa lagu aasay Xabaalaha Sheekh Cumar oo uu ku aasan yahay Sheekhiisii Sheekh Cumar, halkaasi oo ay ka soo qayb galeen bulsho aad u tiro badan, waxa dadka ka soo qayb galay aaska ka mid ahaan Maayirka Caasimadda Hargaysa oo ay intii dambe marxuumka aad isugu dhawaayeen, waxaanu xabaasha dusheeda ka qiray inuu ahaa adoon wanagaasan oo bulshadiisa u shaqeeyay, waxaanu ILLAAHAY uga baryay inuu jannooyinkiisa ku casuumo oo uu Kitaabkiisana midigta ka siiyo.

Sidoo kale Maayirka Hargaysa ayaa ku sifeeyay Marxuumka Maxamed Xaashi Qawdhan inuu ahaa adoon qalbi wanaagsan oo fuliyay dardaarankii Sheekhiisa cimrigiisan ku dhamaystay inuu wadooyinka hagaajiyo dhagaxaantana ka jabiyo, waxaanu bulshada ILLAAHAY uga baryay inuu qalbiga Marxuumka oo kale siiyo.

Maayirka ayaa qeexay in marxuumku Maxamed Xaashi isaga oo 120 sano jir ah oo xaaladda da’da ku jira inaanu maalina albaabkiisa soo istaagin oo aanu kala hadal duruuf u gaar ah isaga balse taasi badelkeeda uu shaqadiisa kaliya kaga rabay ILLAAHAY abaal marine e aanu bani’aadam waxba ka sugayn.

Ugu danbayn Maarirka iyo Malaayiintii qof e ka soo qayb gashay Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Qawdhan waxa ay ILLAAHAY uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Jannooyinkiisana ku casuumo, Nabigiisii Muxamedna (S.C.W) la kulan siiyo