Maxkamada Gobolka Maroodijeex oo Xukun ku Riday 4 Nin oo Itoobiyaan ah

0
95

Hargeysa (Dawan) Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa shalay xukun u dhexeeya 8 ilaa 6 sannadood oo xabsi ah, iyo lacag ganaaxa ku riday afar nin oo Itoobiyaan ah oo lagu helay in ay maandooriye ka ganacsanayeen.

Maxkamada ayaa shalay ku dhawaaqday xukunka raggan oo ay dhawaan ciidamada booliisku gacanta kusoo dhigeen iyaga oo khamri ku samaynaya guddaha Somaliland, waxaana ku dhacay xukuno kala duwan.

“Maxkamadu laba kamid ah midkiiba waxay ku xukuntay 8 sanno oo xadhig ciqaabeed ah, iyo ganaax lacageed oo dhan laba milyan oo Shilinka Somaliland ah oo ay bixin doonaan” Garsooraha maxkamada ayaa xukunka warbaahinta u akhriyay.

Maxkamada ayaa sidookale laba kamid ah dadka xukunka lagu riday ku xukuntay midkiiba lix sanno oo xadhig ah iyo in ay bixiyaan midkiiba hal milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Nimankan ayaa sidoo kale lagu helay danbi ah in ay magacyadooda badaleen, in ay xidheen dharka Islaamka oo ay muslimiin sheegteen, iyo in ay Somaliland kusoo galeen nidaam sharci daro ah oo tahriib ah.

Magaalada Hargeysa waxa ku sugan bulsho badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo qaarkood ay diimo kale haystaan lakiin ay iska dhigaan muslimiin si ay ugu dawarsadaan ama hawlo kale ugu fuliyaan, balse indhaha ciidanka qaranku waxay mar kasta la socdaan dhaq-dhaqaaqyada ay samaynayaan iyo waxa ay qabanaynaan ba.