Saamaynta Go’aanada Dhakhtarku Bixiyo!

0
115

Macallimad Ingiriis ah ayaa is deldalashay, iyadoo weliba saaxiibadeed ay cadeeyen inay ahayd qof miisaaman oo karti leh.  Wargeyska  Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, ayaa daabacay in Chelsey Peart, oo 27 jir ahayd, ay is deldeshay kadib markii uu dhakhtar cilmi nafsiga ah “Psychologist”  oo daweynayay uu ku tilmaamay inay tahay “Qof aan dareenkeedu Weli aanu qaan gaadh ahayn”. Macalimadda ayaa isla markii ay ka timi Isbitaalka is deldelshay, taasi oo qoyskeeda ku  noqotay yaab, fajac iyo amkaag.Chelsey waxey ahayd gabadh macallimad waxa kale oo ahayda qof  maamuleysay ganacsigeeda gaarka ah iyadoo suufka ku iibin jirtay. Dhakhtarkeeda gaarka ah ayaa u sheegay dhawr goor inay fasaxyo qaadato oo shaqada ka nasato tan iyo sanadkii 2017.Waxay ahayd macalimad ay ardaydu aad ugu deydaan oo hawlaheeda si fiican u qabata, inkasta oo la sheegay inay wakhti hore qoyskooda u sheegtay inay doonayso inay is deldesho.

Hooyadeed  ayaa sheegtay in farriinta ay Inanteedu ay dhakhtarka ka heshay saameyn xun ku yeelatay, arrintaas ayaa dood weyn keentay iyadoo la sheegay inuu aad ugu khaladnaa inuu qof bukaanka ah erayadaasi qallafsan uu si toos ah ugu yidhaa. Hay’adda caafimaadka deegaanka Doncaster ee waqooyiga Ingiriiska ayaa cambaareeyay Erayada “Qof aan dareenkiisu qaangaadhin” ee dhakhtarku adeegsday, waxaana ay sheegeen in weedhaasi aanay ahayn mid dhakhtar iyo xataa dad kale toona aanay ahayn mid ay k,u niyad jebiyaan bukaanada.