Daryeelka Xubnaha Dareemaha Maqalka

0
128

Cilmi baadhayaal u dhashay dalka Ingiriiska oo daraasad ka sameeyay dhego la’aanta ayaa sheegay in laga yaabo in dawo loo helo dadka aan dhegaha waxba ka maqal.

Cilmi baadhista oo ay maalgelisay hay’ad u dooda ururada dhegoolayaasha ayaa la filayaa inay guul ku dhamaato.

 

Madaxa cilmi kooxda baadhista wada Dr.Marcello  ayaa si kooban u yidhi :” Unugyada cusub ee aanu daraasadda ku samaynay waxay noo fududaynaysaa inaan helo farsamo cusub oo aanu ku gaadhsiino dawo xubnaha dhintay ee dhegaha dhexdooda ah sida durbaanka dhegta.

Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in dawo loo helo dheo la’aanta ay muddo qaadan doonto iyagoo wakhtigan baadhis ku samaynaya maqalka xayawaanada kala duwan.