Akhlaaqda Qofka Iyo Weedha Hadalkiisa!

0
170

Qarnigani waa mid yaab iyo amankaaga ku ridaya inta kala saaraysa wanaagga, xumaanta, waxtarka iyo waxyeelada. Waajibaadka qofka saaran ayaa ah inuu isku hawlo Cabsida Allah(SW) iyo waxtarka bulshadiisa, maamulkiisana adeeco.. Haddii uu arko khalad waa inuu si miyir iyo maan ku jiro u saxo.

Dhawaaqa hadalkiisa ama qoraalkiisa ayaa soo shaac saara akhlaaqda, dabeecadda iyo heerka uu ka taagan yahay ka faa’iidaysiga caqliga Allah (SW) ku manaystay.

Waa seben qofka wanaagga samaynaya laga hor imanayo, ceeb iyo aflagaado aan joogsi lahayna lagu hayo… Caalim islaamiya nin ku yidhi ” Goormaan hadlaa”…. Wuxu ugu jawaabay Xadiiska Rasuulka (SCW)… “Ama wanaag ku hadal ama iska aamus”.

Mar hadii khayr iyo shar laga qorayo hubi hadalku inuu yahay kan khayrka leh ama kan dhibta soo jiidaya.. Baahi uma qabto bulshadu odhaah belo abuuraysa oo meel ka dhac ku ah amaanka iyo nolosha qofka muslinka ah.