Beesha Caalamka oo Baaq ka soo Saartay Doorashooyinka Somaliland

0
48

Hargeysa(Dawan)-Waddamada  Ingiriiska, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhammaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland.

 

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka  beesha caalamka ee taageerta Dimuqraadiyadda Somaliland,  ayaa daboolka ka qaaday in saxeexa xeerarka doorashooyinku ay yihiin  tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhaqan

dimuqraadiyadeedka Somaliland.

 

“Waxaanu u aragnaa saxeexa xeerka doorashooyinku inay tahay dib u xaqiijinta ka go’naanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.

 

Waxa kale oo ay ku booriyeen in dhammaan daneeyayaasha doorashooyinku ay wada jir u xaqiijiyaan inay u dhan yihiin sidii doorasho xor iyo xalaal ahi uga qabsoomi lahayd Somaliland waqtigii loo cayimay ee