“Shaqadeenu Waa In Aynu Meel Kasta Gayno Qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland” Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL

0
94

Baariis (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa sheegay in muwaadin kasta ay shaqadiisa tahay inuu kaalintiisa qaato, isla markaana uu qadiyada dalka meel kasta geeyo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd oo safar shaqo ku tegay dalka Faransiiska ayaa bulshada reer Somaliland ee ku nool dalkaas u soo jeediyay inay ka qayb qaataan hirgelinta qadiyada Somaliland iyo sidii dalkani uu ku heli lahaa aqoonsiga uu xaqa u leeyahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Faransiiska oo uu sheegay inay shaqo wayn ku hawlan yihiin iyo sidii qadiyada Somaliland meel fog loo gaadhsiin lahaa.

Wasiir Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in meel kasta oo aduunyada ka mid ah la gaadhsiiyo qadiyada Somaliland haddii ay tahay Yurub iyo Haddii ay tahay  Maraykanka inta uu dalkani ka helayo Ictiraafka uu inta badan halganka ugu jiray waxaanu yidhi

 

“Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay in aan imaado magaaladda Baariis oo ay igu soo dhaweeyaan Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska iyo Jaaliyada wadankan ku nool, sharaf iyo waxay ii tahay wanaag in aan halkan imaado oo aan hawlaha Qaranka qabano, kuwaas oo muhiim ah in aynu meel walba gayno qadiyadeena hadday noqoto Yurub haday noqoto Afrika iyo hadday noqoto Aasiya”.

 

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa ku beegmay xili dalalka Yurub into badan ay ka socdaan banaan-baxyo ay muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dalalkaasi  ay ku taageerayaan heshiiskii taariikhiga ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya.