Miejsce Odrzańskie: Magaalo Dumarku Leeyihiin!

0
82

Magaalada Miejsce Odrzańskie waxa ay ku taal koonfurta-galbeed ee Poland, waxaana ay koonfurta ka xigta qiyaas dhan 57 km magaalo madaxda gobolka Opole.

Mudadii ka horaysay sanadkii 1945 deegaankani waxa uu ka mid ahaa dalka Jarmalka waxaana lagu magacaabi jiray Mistitz. Dagaalkii Labaad ee Yurub ka dib magaaladan waxaa lagu wareejiyay Jamhuuriyadda Poland. Magaalada Miejsce Odrzańskie waxa caan ka dhigay wakhtigan ka dib markii muddo 10 sano ah aanay ku dhalan wax wiilal ah. Dhamaan caruurta ku dhasha waxay ahaayeen hablo keliya.

Dumarka tuulada ayaa u tegay wadaada kiniisadda si ay ugu duceeyaan inay dhalaan wiilal, laakiin waxba iskama bedelin arintaasi. Magaaladan shaqo kasta hadda waxa qabta dumarka, iyagoo kuwa yaryarna loo tababaro sidii ay hawshaasi raggu qaban jireen ay qabtaan madaama magaaladooda aanay jirin wax wiil ah oo ku dhashay muddooyinka u danbeeyay. Shaqooyinka ay hadda sida xooga leh u qabtaan waxa ka mid ah Dab demiska, iyo hawlaha nadaafadda iyo kuwa maamulka magaalada.

Dumarka tuulada ayaa siyaabo kala duwan u arka arinkan iyagoo qaarkood ay aaminsan yihiin in loo baahan  yahay rag madaama hablaha in la guursado ay tahay. Halka kuwo kalen ay ku doodayaan in aan rag loo baahnayn oo rebeshkooda laga raysanayo.