Adeegyada Ay Bixiso Xarunta Kelyo Sifaynta Cisbitaalka Hargaysa

0
78

Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa 14-ka bishan Maarso oo ku beegan maalinta sifaysta Kelyaha aduunka.

Haddaba Qormadeenan waxa aynu ku eegaynaa xarunta sifaysta Kelyaha ee Cisbitaalka guud ee Hargaysa iyo kaalinta uu ugu jiro bulshada iyo adeegyada ay ka helaan.

Inta ay qormadan ku jirno waxa aynu wax badan ka ogaan doonaa adeeyada ay xarunta sifaysta Kelyuhu bixiso, goorta la aasaasay, inta bukaan ee ay u adeegtay iyo shaqadeeda oo dhan.

Haddaba Maanta oo Kale oo bishu Tahay 14 March, 2024 Sanadkasta waxa dunida laga xusaa Maalinta Caafimaadka Kelyaha.

Xarunta Kelyo sifaynta Hargeisa Group Hospital Waxa la furay Sanadkii 2012, Waxay Ahayd Xaruntii ugu horeysay ee laga furo Geyiga Soomalida taasoo lagu sifeeyo Kelyaha.

Xaruntani Intii Ay furnayd Waxay Sifaysay Kelyaha Bukaanada Tiro gaadhaysa 43200 oo jeer (session).

Xaruntu Waxay Gacanta ku haysaa wakhti xaadirkan Bukaano kor u dhaafaya 160 oo si joogta loogu sifeeyo Kelyaha. Waxa Kale oo kusoo dhaca Bukaano Emergency ah oo marmarka qaarkood Adeega sifaynta kelyaha loo qabto.

Waxaanu Dhawaan lagu soo kordhiyay xarunta 10 Machine oo cusub oo loogu talagalay Bukaanadii Emergency ahaa iyo Dadka la nool xanuunada Faafa ee u baahan in kelyaha loo maydho.