Hay’adda Caymiska Qaranka oo Dhalinyaradda dalka ku tababaraysa Adeegyada Caysmiska

0
84

Hargaysa (Dawan) Masuuliyiinta Hay’adda Caymiska Qaranka JSL, ayaa ka warbixiyey ujeedada hay’addaas u Aas–aasan tahay iyo Adeegyadda Bulshadda u fidiyaan.

 

Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Mudane Guuleed Muuse Galaal, ayaa sheegay in ay u qorsheysan tahay in dhalinyaradda Goboladda dalka ku nool, ay ku tabobari doonaan xirfadaha caymiska, waxaanu xusey in shaqo abuur dhalinyaradaas ka heli doonaan, waxa uu intaas ku daray in dhalinyaradaas oo goobahooda shaqo ku sugan sameyn karaan dakhli, kadib marka ku tabobaraan sida Caymiska loo iibiyo.

 

Sidoo kale guddoomiye Guuleed waxa uu tilmaamay in hay’adda casymiska Qaranku ku aas aasan tahay xeerka Caymiska Qaranka Somaliland oo uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Dhaqangaliyey xeerkaas, xeerkaas oo hore uga soo gudbey Barlamanka Somaliland, waxaanu guddoomiyuhu sharaxad kooban ka bixiyey wado shaqeynta ka dhaxeysa shirkaddaha hoos yimaadda, isla markaasina hay’addaas caymiska qaranka Somaliland shirkadahaas ku hagto wixii shuruuc ah uga baahdaan,kuna ilaaliyaan shuruucdaas.

 

Geesta kalena, waxa uu tilmaamay in dowladdaha Islaamka ah kala siman nahay ku dhaqanka Caymiska islaamka ee (TAKAFUL), kaas oo ah iskaashi.