Madaxweynaha oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku Sameeyey Qaar ka Mida Gudoomiyeyaasha iyo ku Xigeenada Gobolada Dalka

0
66

Qore: Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay waxa uu wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mid a gudoomiyeyaasha iyo Ku xigeenada Gobolada Dalka Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xilkii ka qaaday  Guddoomiyihii hore ee Gobolka Daad-madheedh Mukhtaar Cabdi Cabdillaahi, waxaanu xilkaasi u magacaabay Cabdiraxiim Maxamed Axmed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xilkii ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer Maxamed Nuur Cabdi; waxaanu madaxweynuhu go’aamiyay in Cabdi Xiis Yuusuf laga bilaabo taariikhda shalay oo wareegtadu soo baxday in uu   ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay wareegtooyin uu soo saaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo nuqul ka mid ah ihi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

“Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Mukhtaar Cabdi Cabdillaahi

Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

  1. Ku: Maxamed Nuur Cabdi;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudaneyaal

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

  1. In Cabdiraxiim Maxamed Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Cabdi Xiis Yuusuf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH.”