Booliska oo ka hadlay Dil Ka Dhacay Berbera

0
103

Berbera (Dawa) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane dil ka gaystay Magaaladda Berbera.

Ciidanka Booliska ayaa war ka soo saaray Hawlgal ay sameeyeen Ciidankaย  qaybta Berbera oo ay ku soo qabteen eedaysanahii ku eedaysnaa dilka warkaasi ayaa waxa uu u dhiganaa sidan :-

โ€œCiidamada Booliska JSL , gaar ahaan Qaybta Gobolka Saaxil ayaa gacanta kusoo dhigay edeysane K/ koobaad Rooble Xasan Gadiid oo 52 jir ah , kaas oo ku eedaysan inuu dilay Marxuum Khaalid Maxamed Salaax oo 18jir ahย  Eedaysanaha ayaa ka tirsanaa Ciidanka Asluubta ee Jeelka Magaalada Berbera.

Hawlgallo iyo dedaal dheeriya oo Ciidanka Boolisku sameeyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dubaar oo koofur bari kaga began Magaalada Berbera 15KM halkaas oo u baxsaday. waxaanu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska , iyadoo degdeg loo horgayn doonaa sharciga marka baadhistu dhammaato.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii uu ka baxay marxuuumkaasi