Qisaska Dagaalkii Koowaad!

0
59

Henery Tandey  wuxu ahaa askariga No: 34506, oo ka mid ahaa ciidankii Ingiriiska ee ka qayb galay dagaal weynihii koowaad.  Bishii September 28, sanadkii 1918-kii, askariga British ah, ee Henry Tende, wuxuu badbaadiyey nafta askari Jarmal ah oo dhaawacmay, intii lagu jiray Dagaalkii weynihii koowaad kaasi oo ay qabteen isagoo dhaawac ah ciidankii Ingriiska oo nafta ka goyn jiray askari kasta oo ka tirsan cadowga ay dagaalamayeen.

Askarigan Ingiriiska ah ayaa si qarsoodi ah ula dhaqmay askariga Jarmalka ee dhaawaca ah, inkasta oo uu ahaa “cadowgii ay is hayeen, haddana wuu ka qariyay ciidankiisa si aanay u dilin  ilaa uu ka bogsaday.

Henry wuxuu ku dhamaystay noloshiisa inteeda kale niyad jab iyo murugo, maxaa yeelay askariga Jarmalka  ee uu badbaadiyay wuxu noqday Hogaamiyihii Jarmalka ee horseeday dagaalkii labaad Adolf Hitler.  Waxaana askarigan Henery Tandey loo aqoonsaday inuu yahay geesi.  Qofka Allah dilayo ayaa dhinta, marka aad badbaadayso cadowgaaga ayaa ku difaacaya.