Caalamka Iyo Khatarta Joogtada Ah!

0
56

26kii, Bishiii Septemberย  Sanadkii 1983 ayuu Colonel Branislav Petrov oo ka shaqaynayay xarunta Oko ee dalka Ruushka isla markaana bixisa digniinta hore ee weerarka hubka nucelaer ee ku soo waajahan dalkaasi uu mar qudha ka helay qalabka fariin halis ah oo ka digaysa in gantaal sida madaxyo Nuclear ah laga soo riday dhinaca Maraykanka kuna soo wajahan yahay Ruushka.

Isla markiiba waxa uu fariin degdeg ah ukala diray dhinacyada ay khusayso waxaana la faray inuu jawaabo.ย  Ilbidhiqsiyo gudahood ayay xarumaha ciidamada Ruushka ay heegan galeen. Laakiin Colonel Branislav Petrov ayaa ilbidhsiyo yar gudahood haddana ku xaqiijiyay in qalabku bixinayo digniin been ah, qalabka ilaalintuna uu si khalad ah u jawaabayo.

Markii xarunta la isugu yimi ee baadhis la sameeyay waxa la ogaday in dayax gacmeedka masuulka ka ah la socodka ganataalaha Nuclerka ahi uu bixiyay farriintan khaldan ka dib markii falaadhaha cadceedu ku dheceen daruuro isku cufan oo ku waajahan dhinaca Ruushka kuwaasi oo uu u qaatay madaxyo nuclear ah. Malintaasi dunidu waxay ka badbaaday inuu ka qarxo dagaal culus oo la isu adeegsado hubka halista ah.

Laakiin haddana waxa la aminsan yahay in weli hubka halista ahi uu yhay kan keeni doona dagaalka khatarta ah ee lagu hooban doono, iyadoo laga yaabo in fariimaha beenta ahi ay sabab u noqdaan inuu si dhib yar mar keliya isaga qarxo dagaal la isu adeegsado hubkan khatarta ah.

Waxa kale oo jir in wakhtigan uu dalka Ruushku ku hanjabayo in uu isticmaali doono hubka halista haddii ay reer galbeedku sii wadaan cadaawadda iyo cadaadiska ay ku hayaan Ruushka. Waxa kale oo uu diginin ka bixiya haddii ciidan reer galbeedf ahi uu yimaaddo Ukrain in taasi ay noqon doonto bilwoga dagaalka burburka ee 3aad.