Waayaha Qasriga Ciqaabta Iyo Dilka !

0
49

Qasriga boqortooyada ee London ayaa Sanadkii 1100 M, noqday xabsi lagu xidho dadka dabqada sare iyo kuwa maamulka ku jira . Waxa jiray  cabsi iyo muuqaalo naxdin leh oo ku duugaan Qasrigan iyo hareerihiisa.

Waxaana ka mid ah marwadii labaad ee boqorkii Ingriiska Henery-gii sideedaad, taasi oo ka mid ahayd kuwii dilkooda lagu fuliyay Qasrigan.  Gabadhan oo la odhan jiray Bolin ayaa lagu eedeeyay sheeko been abuur ah.  Ujeedada dilka ayaa ahayd inuu boqorku ka saaro qasriga si uu u guursado gabadh kale oo cusub. Inta badan waxay ahayd sheeko lagu xumaynayay oo ahayd gogol dhaaf been abuur ah.

Waxyaabaha yaabka noqday ee halkaasi lagu arkay aya ahayd in gabadhani aanay kaba baqayn geerida iyo dilka lagu fulinayo.  Waxay jeclayd in hore loo dilo. Waxa laga yaaba inay dhibsatay mudadii ay xidhnayd iyo qolka ay ku jirtay. Ama waxay diidanayd dhibaatada lagu hayay qosykooda iyadoo walaalkeedna la dilay. Waxay ahayd mid faraxsan markii uu soo dhowaaday wakhtiga dilkeedu. Maalin ka hor dilkeeda ayay fariin u dirtay saaxiibadeed iyadoo ku tidhi: “ Waxaan maqlay in seef afweyn la ii haysto,  waxaana fiican inan qoortayda jilciyo oo aan khafiifyo si aan hore ugu dhinto”.

Markaasi ayay qososhay iyadoo tilmaamaysa qoorteeda. Subax Jimce ah 19 May 1536 aya Bolin la geeyay qolka dilka. Iyada oo degan oo xasiloon ayay khudbad dardaaran ah jeedisay waxaana ay tidhi:

“ Ogaada dhamaan waxa la igu soo eedeeyay waxaan ka ahay beri, mana jiraan, mana aan samayn.  Ka dibna waxay iska saartay Tajkii ay xidhnayd waxayna hoos u dhigtay madaxeeda, timaheedii dheeraa ee xariirta ahaana waxay ku maratay qoorta. Ka dibna waxay qoorta u dhowaysay Askari xirfad u leh dilka seefaha oo laga keenay Farance.

Askarigan oo la odhan Jena Rombo aya aad uga yaabay gabadhan aan inyar oo naxdin ahina ku jirin ee sida fudud ugu soo dhowaanaysa seefta dilka.  Askariga ayaa dawakhasy isla markaana wareeray oo waxba kala garan waayay ka dib qisadan cajiibka ee aanu hore u arag.  Wakhtigaasi wuxu ku dhawaaqay Meeday Seeftaydii isagoo haddana gacanta ku haysta seeftii! Waxa ka wareeriyay geesinimada gabadha Bolin.

Laakin haddana wax yar ka dib ayuu qoorta ka jaray mid ka mid ah dumarkii ugu quruxda badnaa Ingiirska ee waagaasi. Madaxii iyo jidhka intiisa kale ayaa lagu riday sanduuq waxaana lagu aasay meel hoose oo ka mid ah Kiniisadda Santpeitr ee ku dhex taala qasrigan taasi oo aan ila haddana cidna aanay rasmi ahaan u garanayn goobta.