Guddoomiye ku Xigeenka koobaad ee Kulmiye oo ka qayb galay Tartamada Bisha Ramadaan ee ka socda Garoomada Gacmodheere iyo Xawaadle.

0
59

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ka qayb galay  tartamada  bisha Ramadaan  ka socda Garoomada  Gacmodheere iyo Xawaadle ee Magaalada Hargeysa.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa u usoo jeediyay kooxaha tartanka uga socdo Garoomada  Xawaadle iyo Gacmodheere  in si akhlaaq wanaaga  ku  wada  ciyaaraan.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u rajaynayaa labada kooxood ee ku wada ciyaaraya garoonka kubada Cagta xawaadle guul iyo khayr,kooxdii badisàaba waa kooxdii kale.waana inaad ku ciyaartaan akhlaaq wanaag iyo asluub wanaagsan.waxa kubada laga bartaa Calool adayg iyo adkaysi  badan iyo baaska oo aad saaxiibkaa siiso,guul ayaan idiin rajaynayaa waad mahadsantihiin,”.

Sidoo kale waxa waxa ku wahelinayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ee ka qaybgalay tartamada ka socda Garoomada Xawaadle iyo Gacmodheere Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdirxmaan  Madar iyo Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye.