Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Shirkada Al-waddaniya oo Raashin u Qaybiyay Kaamamka Hargaysa

0
96

Hargaysa (Dawan) Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo shirkada Daqiiqda ee Al-waddaniya, ayaa si wada jir ah ugu qaybiyey qaar ka mid ah Kaamamka magaaladda Hargeysa Raashin , waxaanay siiyeen   kun qoys.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka iyo shirkada daqiida ee Al-waddaniya ayaa Kaamamka ay daqiida u qaybiyeen ayaa waxa ka mid ahaa Kaamka Malowle oo ay siiyeen 600 oo qoys iyo Kaamka Naasa-hablood A oo ay siiyeen 400 oo qoys.

Qoysaskan daryarta ah eek u nool Kaamamka magaaladda Hargaysa ee Malawle iyo Naasa-habloo A ayaa xiligan baahi wayn u qabay in laga caawiyo dhinaca raashinka iyo alaabaha daruuriyaadka u ah nolosha, maadaama oo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxaanay aad ugu mahad celiyeen Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland iyo Shirkada daqiiqda ee Al-waddaniya oo iyagu soo gaadhsiiyay xiligan qadiiqdan loo qaybiyay.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland oo u qaabilsan qaranka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ayaa ku hawlan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ku nool Kaamamka Barakacayaasha dalka iyo sidii loogu heli lahaa raashin ay quutaan Bishan barakaysan ee Ramadaan, iyaga oo la kaashanaya Hay’adaha iyo shirkadaha dalka si wax loogu qabto dadka ku nool Kaamamka dalka.

Maaha markii u horaysay ee ay Kaamamka dalka raashin gaadhsiiso Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranku balse waa mid ka war hasya danta iyo duruufta ay ku nool yihiin dadkaasi, waxaanay ku dedaashaa sidii loo dabooli lahaa baahiyahooda aasaasiga ah.