Kumanaan reer Zimbabwe ah oo is guursday dhawaan ayaa la siiyey waraaqo been abuur ah

0
57

Kumanaan qof oo dhawaan is guursaday oo ku nool dalka Zimbabwe ayaa la yaabay markii ay ogaadeen in warqadaha guurkooda aanay ansax ahayn.

Waxaa soo baxday arrin fadeexad ah ka dib markii la ogaaday shahaadooyinkii la bixiyay 18 bilood ee la soo dhaafay ay meesha ka baxayaan oo ay yihiin kuwa aan sharci ahayn – waa war hadda la ogaaday oo saameyn kara dhammaan lammaanayaashii is guursaday 18-kii bilood ee u dambeeyey..

Arrintu waxay soo shaac baxday markii Ururka Sharciga ee Zimbabwe ay soo saareen digniin ogaysiin ah oo ku socota qareennada dalka oo dhan.

Digniintu waxay xustay in waraaqaha la isticmaalay iyo shahaadooyinka guurka madaniga ah ay yihiin cutub mar hore la isticmaali jiray kaas oo la tirtiray wixii ka horeeyey 2022.

Xeerka cusub, oo dhaqan galay Sebtembar 2022, ayaa keenay isbeddello ballaadhan, oo ay ku jiraan xuquuqaha waaweyn oo lagu kordhiyey lammaanaha guur-dhaqameedka iyi guurka ubadka yar yar oo denbi laga dhigay.

Ururka sharciga Bulshada ayaa kula taliyey dadka arrintani ku dhacday in ay shahaadooyinkooda geeyaan diiwaan-hayaha, kaas oo saxi doona ka dibna sharciyeyn doona dukumentiga.

Qareenadu waxay kale oo ka digeen in ciddii haysata shahaado aan shaqaynayn in aanay guurkoodu shaqaynayn.

Dhawr qof oo ka mid ah dadka is guursaday oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aanay hore uga war hayn in shahaadooyinkoodu ay khaldan yihiin.

Fal celin isku dhafan ayaa  laysu diray markii arrintani soo baxday, iyada oo dadka qaarkood ku kaftameen in qaar badani heleen fursad ama hab ay uga baxaan guurkooda.

Waaxda Diiwaangelinta Madaniga ah ayaa u sheegtay wargeyska The Chronicle ee ay dawladdu leedahay in kasta oo ay wax ka beddeli karto shahaadooyinka jira, haddana aanay daabicin karin waraaqo cusub oo sita sharciga saxda ah iyada oo aanay dawladdu marka hore ku dhawaaqin isbeddelka iyada oo loo marayo faafin.