Biyo-yaraantu waxay kordhisaa khataraha colaadaha ee Afrika – Warbixin UN

0
67

Biyo-yaraanta  ka jirta qaarada Afrika ayaa ka dhigaysa dalalka Afrika inay u badan tahay inay qaarkood isku dhacaan, Qaramada Midoobay ayaa sidaa ka digtay.

Warbixintii ugu dambeysay ee horumarinta biyaha adduunka ayaa lagu sheegay in 22 dal oo Afrika ah lagu sameeyey sahan xagga biyahay la arkay in19 ka mid ah 22-kaa ay ka cabanayaan biyo yaraan.

“Biyo-yaridu waxay kordhin kartaa halista isku dhaca,” ayaa lagu yidhi warbixinta oo ay daabacday Unesco.

Muranka u dhexeeya wadamada Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan biyo-xidheenka weyni ee ay hirgelinayso Itoobiya ayaa tusaale u ah, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Inta badan wadamada Saxaraha ka hooseeya waxa ay la ildaran yihiin biyo yari dhaqaale, sida uu BBC u sheegay tafatiraha guud ee warbixinta Richard Connor.

“Taasna laguma garto heerka la heli karo ee kheyraadka biyaha, balse waa la’aanta kaabayaasha ku habboon, iyo sidoo kale maamul la’aan iyo ilo dhaqaale oo aan ku filneyn iyo dhiirigelin.

“Kobaca dadka, magaalaynta degdega ah, horumarinta dhaqaalaha, iyo isbedelka qaab nololeedka iyo habka isticmaalka ayaa kordhinaya baahida biyaha ee guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hoosaysa.”

Warbixintu waxa ay tilmaantay in abaaruhu ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee biyo la’aanta ka jirta meelo badan oo caalamka ah oo ay ku jirto Afrika.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in isbedelka cimiladu uu kordhin doono soo noqnoqda iyo abaaraha daran.

Warbixin 2022 uu soo saaray heshiiska Qaramada Midoobay ee lagula dagaalamayo xaalufka ayaa lagu sheegay in abaartu ay saamaysay Afrika in ka badan qaaradaha kale, iyada oo in ka badan 300 oo dhacdo la diiwaan geliyay 100kii sano ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigan 44% wadarta guud ee caalamka.

Saddex meelood laba meel kheyraadka biyaha macaan ee Afrika ayaa ka gudba xuduudaha, waxa loo jeedaa biyaha Roobka ee aan la qabsan.

Waxa kale oo jirta wada shaqayn la’aan ka dhaxaysa wadamada ee arrimaha biyaha warbixintii ugu danbaysay ee Qaramada Midoobay ayaa sidaa lagu sheegay. Warbicintan waxa lagu soo beegay xuskii maalinta biyaha adduunka ee 22 March oo ku beegnayd Jimcii la soo dhaafay. Halku dhiga sanadka ee xuska ayaa ahaa biyaha ayaa keena Colaad iyo Nabadba.