Nolosha Fiicani Maaha Hantida Badan!

0
68

Aadamiga ayaa inta badan xukuma muuqaalka guud ee qofka iyo wax uu haysto ama xaaladda uu ku sugan yahay sida marka uu yahay maalqabeen, mansab ama magac, kuwaasi oo isaga ka maqan, waxaana uu u arkaa inuu qofkaasi ku jiro raaxo iyo nimco halkii ugu saraysay.

Xaqiiqduse waxa ay tahay in muuqaalkiisa sare keliya uu xukunka saaray, haddiise aynu ka warqabi lahayn xaaladda nololeed ee hoose ee qofka haystaa waxa laga yaaba in aynu Allah (sw) u mahadnaqi lahayn oo aynaan jeclaaneen helidiisa iyo haysashadiisa midkoodna.

Haddaba waxa fiican inย  qofย  kastaa ku qanco wixii Allah (sw) siiyay oo ku mahadnaqo isagoon waxba indhaha u taagin waxa qofย  kale haysto, qanaacduna waa khasnad aan dhamaan.ย  Biyaha yari way ku nabad geliyaan, biyaha badanina way ka hafiyaan oo ku haligaan, Xikmaddu maaha badnida waa qanaacadda oo ah nolosha wanaagsan .