Barbaarinta Wanaagsani Waa Waalidka!

0
72

Qofka Aadamiga ah miyu dhashaa isagoo habaar qabe ah oo dhib badan oo mar kasta doonaya inuu sameeyo xumaan oo dhan, mise qoyskiisa iyo duruufo gaar ah aya ku khasba inuu sidaasi lahayn.

Qof kastaa wuxu ku dhashaa fidrada wanaagsan laakiin waalidka weeyi kan diinta uu haysto iyo dhaqanka uu aaminsan yahay ku barbaariyaa ee ka dhigaya mid raaca dhaqankiisa iyo diintiisa.

Sanakii 1971 ayuu Philip Zimbardo oo Maraykan ah, aqoon balaaldhan u leh cilmiga Saykooljiga (Psychology)ย  kana tirsanaa Jaamacadda Stanford uu tijaabo cilmi ah ka sameeyayย  dadka maxaabiista ah iyo askarta iyaga ilaalisa ee sida xun ama wanaagsan ula dhaqma maxaabiista.

Waxaana uu ogaaday inay maxaabiista iyo askartuba dhaqan ahaan kala duwan yihiin oo kuwa ugu wanaagsan iyo kuwo ugu xunba ay noqdeen kuwaasi oo xambaarsan dhaqamada waaldikood 95%.

Waxaana uu yidhi โ€œMarkii aan qofka aad xun baadhis ku samayno waxaan ogaanay in waaldikiisuna uu ahaa qofย  xun yahay oo dhaqankiisa oo kale lahaa, halka ka ixtiraamka leh ee dulqaadka leh ee aan daroogada isticmaalin 95% ay lahaayeen dhaqno guryahooda iyo waalidkooda leeyihiin.ย  Waxa kale oo uu sheegay inay aad ula yaabeen in qofka xun ee haddana qoys wanaagsan ka soo jeeda uu ahaa mid qirsan inuu dhaqan xun samaynayo, halka kuwa ku barbaaray xumaanta aanay u arkayn sidaasi ee ay ugu muuqatay arrin caadi ah. Waxaaa cad in guriga iyo waalidku saamayn ku leeyahay Ubadka. Sidaas awgeed waa in caruurta dhaqan wanaagsan iyo akhlaaq fiican oo naxariisi ka buuxdo lagu barbaariyo.