Poland oo sheegtay in Ruushku ku soo xadgudbay’ hawadeeda

0
61

Poland ayaa sheegtay Axaddii shalay in ay Ruushka ka dalban doonto in uu sharxo “xadgudub cusub oo hawada sare ah” ka dib markii gantaal Ruushka laga leeyahay uu kusoo xadgudbay hawada dalkan ka tirsan NATO qiyaastii 2 kiiloomitir subaxnimadii Axaddii ka hor intaanu u weecan Ukraine, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Poland.

“Hawada Poland waxaa ku soo xadgudbay mid ka mid ah gantaalada nooca loo yaqaan Cruise missiles oo habeenkii Axada ay rideen ciidamada cirka ee Federaalka Ruushka,” ayay ciidanku ku yidhaahdeen X, oo hore loogu yeedhi jiray Twitter, iyaga oo raaciyay, “gantaalka ayaa ku duulay hawada Poland ee ka sarreysa tuulada Oserdow (gobolka Lublin) waxayna hawada dalka uu ku jiray joogtey 39 ilbidhiqsi.”

“Waxaan ka codsaneynaa Federaalka Ruushka inay joojiyaan duqeymaha argagixisanimo ee ka dhanka ah dadka iyo dhulka Ukraine, si loo joojiyo dagaalka iyo in diiradda la saaro dhibaatooyinka gudaha ee dalka,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pawel Wronski yidhi, sida ay sheegtay Reuters.

Dhanka kale, Ukraine ayaa sheegtay in Ruushku uu dalkiisa ku qaaday weerar saddexaad oo gantaallo ah afartii maalmood ee la soo dhaafay, kaas oo ahaa kii labaad oo lagu bartilmaameedsado Kyiv. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in digniinta hawada ee Kyiv ay socotay in ka badan laba saacadood.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in 10 gantaal oo Yukreeniyaan ah ay ku soo rideen magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea, iyaga oo intaa ku daray in ay Sabtidii qabsadeen tuulo u dhow Bakhmut.