Tartanka Hubka Iyo Aadamiga!

0
63

Hubka bayoolaji ah waa mid faafaya sida fayras, bakteeriyada, fungi, ama sunta kale ee la soo sii daayo si ula kac ah, kuwaasi oo keena  cuduro, dhimashada dad, xayawaan iyo dhirtaba.

Wakhtigan waxa jira dhacdooyin badan oo naxdin leh oo ka dhacaya meelo kala duwan oo ka mid ah dunida kuwaasi oo ah tirtirka iyo baabiinta Aadamiga. Hubka loo samaystay in lagu cidhibtiro aadamiga gebi ahaantiis ayaa kala duwan kuwaasi oo ay maaliyad badan ku bixiyaan dawladaha samaysta. Waxa wakhtigan miisaaniyad badan lagu bixiyaa samaynta hubka halista ee biology-ga kaasi oo xadaaradda dunida gebi ahaaba baabiinaya haddii la isticmaalo.

Hubkani kuma koobnaan doono goobaha loo isticmaalo laakiin tarmaya oo faafaysa, isla markaana haleelaysa cunaha qofka, wakhti yar ka dibna uu dhimanayo isagoo aan neefsan Karin.

Inkastoo arrinkan ay ku sheegaan horumarka technoolagiyada, haddana mid ka dhashay tartanka ganacsi ee loogu jiro macaashka laga raadinayo geerida dadka. waxa kale oo iyana jirta in aan la damaanad qaadi Karin wakhti uu dhici karo dagaalka hubka biology-ga.  Waxa kale oo arinkan salka ku hayaa samaynta hub halis ah, iyo ciidan xoogani inuu yahay mid u sahlaya inay dawladaasi noqoto mid dunida maamusha oo laga gaabsado